Iska-horimaad Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray Daynuunaay

Jimco, Oktoobar 03, 2014 (HOL) — Waaberigii hore saaka ayay xoogag Al-shabaab ka tirsan waxay weerar kadis ah ku qaadeen xarunta ciidamada xoogga dalka ee deegaanka Deynuunaay oo Baydhabo u jirta 23-km, halkaa oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Wararka laga helayo goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa waxay sheegayaan in xoogaggii Al-shabaab ay la baxeen gaari kuwa dagaalka ah oo ay ciidanka dowladdu lahaayeen.

Sidoo kale, Baydhabo ayaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyada askar ku dhaawacmay dagaalka, iyadoo la dhigay isbitaallada magaalada, waxaana la sheegayaa in dhimasho ay jirto, balse wali lama hubo tirade sax ah ee dhimashada.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka oo ay HOL la xiriirtay si ay wax uga weydiiso khasaaraha dagaalka ayay mas’uuliyiintu ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan khasaaraha dagaalka ka dhashay, balse waxay sheegeen inay faahfaahinta bixin doonaa saacadaha soo socda.

Baydhabo ayaa habeenkii waxaa ammaankeeda suga ciidamada booliiska iyo kuwa AMISOM, inkastoo ciidamada xooggu dowladda ay ku sugan yihiin meelo ka baxsan magaalada sida; Daynuunaay, Aw-diinle  iyo Goof-gaduug-Shabeelow.

Dhanka kale, malleeshiyo beeleedyo ka tirsan deegaanka ayaa shalay kaga dhawaaqay magaalada Baydhabo urur la yiraahdo (United Rahweyn Movement), iyagoo sheegeen inay ujeedkooda yahay inay la dagaalamaan ciidamada Alshabaab, kana saaraan deegaanada gobalka Bay.

Waxay kaloo sheegeen inay bar-bar taagan yihiin ciidamada dowladda Somalia, iyadoo ururkan guddoomiye looga dhigay Mayow Teesiyow oo horay uga tirsanaa Al-shabaab, balse kasoo goostay.

Hiiraan Online, Baydhabo