Bisha Cas ee Imaaraadka oo Soomaaliya ka qaybinaya hilib inta lagu jiro Ciida


Jimco, Oktoobar 03, 2014 (HOL) — Madaxa mashaariicda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Caraba, Siciid Cabdalla oo war-fidiyeenka kula hadlayay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlaha ay qabanayaan xoolo nool inta lagu jiro maalmaha Ciidul Adxa oo berri billaabanaysa, iyadoo ururkan looga bartay maalmaha ciidda inay shacabka u qaybiyaan xoolo nool si ay u qashaan inta maalmahaas lagu jiro.

“Ururka bisha cas ee Imaaradka Carabta waxay go’aansatay qaybinta xoolo ay ugu talo-gashay udxiyada, waana mid a qosheeyeen madaxda sare ee Imaaraadka Carabta, sida; Sheekh Khalifa Bin Sayid Al-Nahyan iyo Sheekh Maxamed Bin Rashid Ala-Maktuum oo ah k xigeenkiisa iyo dhaxal-sugaha Abu-Dubai, Sheekh Maxamed Bin Sayid Al-Nahyan,” ayuu yiri Siciid C/llaa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in udxiyadan laga qaybin doono dhammaan Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loo siin doono dadka ku dhaqan xeryada barakacayaasha iyo kuwa sida aad ka u liido dhaqaalahoodu, waxaana ka faa’iidaysan doonaa dad lagu qiyaasay 20,000 illaa 25,000 oo qoys.

”Bisha Cas ee Imaaradka waxay la kaashan doontaa iibka iyo gowraca xoolaha ganacsatada iyo dadka ku shaqada leh ,iyadoo xoolahanna lagu gowrici doono kawaannada ay dowladdu u astaysay gowraaca xoolaha,” ayuu hadalkiisa raaciyay madaxa mashaariicda bisha Cas ee Imaaraadka.

Ururka Bisha Cas ee dalka Imaaradka ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u caawin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagoo horay kaalmooyin u gaarsiisay degmooyin ay ka mid yihiin; Jowhar, Baydhabo, Afgooye, Marko iyo kuwo kale.

Dhanka kale, ururka Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa kaalmo bani’aadamnimo ka bixinayay meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya