Dagaal Ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray gobolka Bakool

Jimco, Oktoobar 03, 2014 (HOL) — Dagaal culus ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaan 40-km u jira degmada Waajid, kaddib markii ciidamada dowladdu ay weerareen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas.

Guddoomiyaha degmada Waajid, C/llahai Aadan Yariisow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay ciidamada dowladdu qaadeen, ayna ka saareen saldhigyadii ay deegaankaas kaga suganaayeen.

“Weerarku wuxuu ahaa mid qorsheysan, waan ku guuleysanay inaan Al-shabaab ka saarno deegaankaas, waxaana xaqiijin karaa in laba ka mid ah lagu dilay dagaalka,” ayuu yiri guddoomiyaha Waajid oo aan sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray dhinaca dowladda.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu intaas daba-dhigay in ciidamadii weerarka qaaday ku sugan yihiin deegaannadii lagu dagaalamay, isagoo xusay inay sii wadi doonaan howlgallada noocan oo kale ah.

Ma jirto hadal dhinaca Al-shabaab kasoo baxay oo dagaalka ku saabsan, isla markaana ma jiraan warar kale oo madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda Soomaaliya eek u aaddan inay qabsadeen deegaanka lagu dagaalamay.

Gobolka Bakool ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay xilliyadii dambe ku dagaalamayeen ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Inta badan gobolka Bakool ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada huwanta ah iyadoo xoogagga Al-shabaabna ay kaga sugan yihiin gobolkaas qaybo ka mid ah, kuwaasoo u badan deegaanno iyo dhulka miyiga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya