Jimco, Oktoobar 03, 2014 (HOL) — Maxkmad ku taalla magaalada Ndola ayaa xabsi dhan seddex bilood ku xukuntay Axmed Cabdi Saciid oo lagu soo eedeeyay in uu si sharci darro ku joogay dalkaas muddo ,isaga oo shaqooyin kala duwan ku haystay magaalada Ndola.
Eedaymihii laga hor-aqriyay maxkamadda horteeda waxa kamid ah in Axmed Saciid uu dalka markii hore ku joogay dukumentiyo qaxooti ahaan ah,balse uu ka been-abuurtay sharciyada uu dalka ku joogay sida ay sheegtay Cynthia Ngtasha oo ahayd qaadiga maxkmadda.
“Waraysi laga qaaday Saciid waxa uu no sheegay in u dhalasho ahaan uu ka soo jeedo balse uu haysto sharci qaxootinimo oo sax ah ,balse baaritaan ka dib waxaan ku ogaannay in sharcigiisa uu dhacay bishii shanaad ee sanadkan “ayuu tiri Ngatsha.
“Saciid wuxuu ku fashilmay in uu noo cadeeyo sababto uu u cusboonayn –san waayay sharciga dalka ku jooogga sidaa darted waxaa maxkamadda ay amraysaa in la xiro “ayey hadalkeeda ku dartay .
Ugu danbayntii Saciid oo 27-sano jir ah ayaa maxkamadda ka hor sheegay in arimo dhaqaale ay ku kaliftay inuusan cusboonaysiisan sharcigiisa ,isla markaana uu ku guda jiray sidii u mar kale sharcigiisa uga dhigi lahaa mid shaqaynaya.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]