Shan ruux oo Somali ah oo Toddobaadkan lagu dilay Koonfur Afrika (DAAWO)

Jimco, November 21, 2014 (HOL) — Shan qof oo Somali ah ayaa toddobaadkan lagu dilay dalka Koonfur Afrika; taasoo walwal ku abuurtay ganacsatada Soomaaliyeed, laba ka mid ah shantan qof ayaa lagu dilay hal dukaan oo ku yaalla tuulada Nashville oo ka tirsan Port Elezabeth - gobolka Eastern Cape; halka laba kale lagu dilay tuulooyinka Mashashaani iyo Blad Riva oo labaduba ka tirsan magaalada Pologwane ee gobolka Limpopo; halka midka kalena lagu dilay tuulo hoos-timaada magaalada Cape Town ee gobolka Western Cape.

Shantan qof ayaa lasoo warinayaa in si isku mid ah loo weeraray; iyadoo weerarrada lagu dilay ay dhaceen xilli saqdii dhexe ee habeenkii ah xili ay hurdayeen muwaadiniinta qaarkood iyo xilli dambe oo fiidkii ah; iyadoo mid ka mid ah lagu dhuftay toddoba xabbo markii ay nafta ka bixi waysana ay qoorta kaga jareen middi; taasoo sababtay in argagax ka qaadaan dadka Soomaaliyeed ee ganacisyada ku leh tuulooyinka.

Daahir Hilowle Xasan oo ka mid ah madaxda jaaliyadda gobolka Limpopo kana mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee u gurmaday markii uu dhacay falka, isla markaana ka qayb-galay aaska marxuumiinta oo aan la xiriirnay ayaa sharrxaya qaabka ay wax u dhaceen iyo sida ay jaaliyadda u aragto.

DAAWO: FILIM KA HADLAYA DILALKA MUWAADIIINTA SOOMAALIYEED

Wuxuuna Daahir sheegay in labadan wiil dilkooda uu si isku mid ah u dhacay iyagoo lasoo weeraray xilli sad dhexe ah oo ay hurdayeen. Midka hore ayaa waxaa la jiifay wiil kale oo Soomaaliyeed oo markii tuugada ay soo dhaceen isla markaana ay dileen mid ka mid ah muwaadiniina ay kan kale ku amreen inuu keeno lacagta iyo waxyaabaha kale ee fud-fudud sida kaararka lagu shubto taleefoonada halka midka labaad isaga kaligiisa uu jiifay halkaasna lagu dilay.

Sidoo kale; laba muwaadin oo midkood ahaa milkiilaha dukaanka iyo mid kale oo ka shaqeynayay ayaa isku meel lagu dilay; iyadoo midkood la isugu daray toorey iyo xabad sida uu Sheekh Shaakir oo ka mid ah culumada Port Elezabeth noo sheegay, isla markaana ka qayb-galay aaska marxuumiintan.

"Waxay ahayd Xili dambe ee fiidkii ah oo dukaanka albaabada la isugu laabi rabay; waxana lasoo weearay laba nin iyo gabar Soomaaliyeed oo ku sugnaa dukaanka; dabadeed waxaa la billaabay in la dilo wiilasha gabadhiina halkaas ayay ka baxsatay,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Marxuumiintan ayaa lagu kala magacaabi jiray; C/qaadir Sheekh Xasan, C/rashiid Cali, Yaasiin Xuseen Rooble, Saciid Ibraahim Macallin iyo C/laahi Biibaaye. Dhamaantood waxaa la dilay todobaadkan; waxaana lagu dilay goobtooda ganacsi mana jirto cid loosoo qabtay dilalkooda; iyadoo booliiska Koonfur Afrika ay illaa hadda daba-gal ku hayaan kooxihii falkaas dilalka ah ka dambeeyay.

Maxamed Muuse (Deeq-darajo),
[email protected]
Cape-town, Koonfur Afrika