
Jimco, November 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa Khamiis maanta ah ka sheegay magaalada Copenhagen in ay ka go’an tahay inay xoogagga Al-shabaab ka saaraan deegaannada ay ku harsan yihiin inta uusan dhammaan sannadkan. Iyadoo Al-shabaabna ay ka waddo gudaha dalka dagaallo dhuumaaleysi ah.
Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay ka saaray Al-shabaab deegaanno badan, kuwaasoo ay ku jirto degmada Baraawe oo muddo sannado ah xarun u ahayd. Sidoo kale Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab horraantii bishii September ee sannadkan.
Xasan Sheekh ayaa wareysi uu siiyay Reuters ku sheegay in howlgallada soconaya ay Al-shabaab kaga saari doonaan deegaannada ay weli maamusho, sida dhulka miyiga ah oo uu sheegay inay ku dhuumaaleystaan marka laga saaro magaalooyinka waaweyn.
“Waxaanu qorsheynaynaa… in bilaha ugu horreeya sannadka soo socda 2015-ka dalka oo dhan laga waayo meel ay ka taliso Al-shabaab,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaa ku daray. “Waan ognahay inaysan dhammaanayn.... waan la socdaa inay soo dhexgelayaan bulshada si ay u sii wadaan weerarradooda, balse waxaan middaas ku dhameynaynaa wajiga kale ee howlgalka.”
AMISOM iyo ciidamada dowladda Somalia ayaa ku guuleystay inay 2011-kii ka saaraan Al-shabaab magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, taasoo sababtay in magaalada ay dib ugu soo laabtaan shacabkii ka barakacay' dibna u dhisanto.
Beesha Caalamka oo dhaqaale ku taageerta dowladda federaalka Somalia ayaa doonaysa in doorashada soo socta oo dhici doonta sannadka 2016-ka ay noqoto mid ay shacabku kusoo doortaan mas'uulkii hoggaamin lahaa.
Madaxweyne Xasan oo la weydiiiyay inuu u tartamayo xilka madaxnimo ee Somalia 2016-ka ayaa ku jawaabay. “Haa, anigu waxaan ahay murashax, waayo waxaan leennahay xisbi siyaasadeed; waxaana sugaynaa meel-marinta sharciga dhismaha asxaabta siyaasadeed ee dalka.”
Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wax laga weydiiyay khilaafka isaga iyo ra’iisul wasaarihiisa u dhexeeya, isagoo ku tilmaamay in kala aragti-duwanaantu ay muujinayso in lagu socdo waddadii dimuqraadiyadda, ayna dhammaadeen colaadihii ku dhisnaa hab beeleedka.
“Khilaafka waxaan lagu xallin doonaa sharciyada u degsan baarlamaankeena oo habab kala duwan loo maro… waa la codeynayaa taas ayaana tan ugu sahlan ee lagu bixi karo,” ayuu hadalkiisa kusoo af-meeray madaxweyne Xasan Sheekh.
Khilaafka madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul waasarihiisa ayaa dibadda u soo baxay kaddib markii isku shaan-dheyn lagu sameeyay golaha wasiirrada xukuumadda, taasoo uu madaxweynuhu gaashaanka ku dhuftay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya