Jimco, November 21, 2014 (HOL) — Maalinta caalamiga ah ee Carruurta Adduunka ayaa maanta laga xusay magaalada Buuhoodle, iyadoo ay soo qabanqaabisay xafladda xafiiska hay’adda Mowdafa ee Buuhoodle.
Ururrada Haweenka ayaa lagu casuumey munaasabadda; iyadoo dhanka kale ay goob-joog ka ahaayeen maamulka gobolka Cayn, qaybta booliiska, macallimiin iyo waaliddiin.
Aadna Cali Axmed oo ah isku-uduwaha wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland ayaa ugu horreyn ka hadashay xafladda, iyadoo ku dheeraatay muhiimadda uu leeyahay daryeelka carruurta iyo ka-hortagga tacadiyadda ka dhanka ah.
Sidoo kale, Caasha Jaamac Dhuux oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka dowliga ah ee haweenka ayaa dhankeeda u mahad-celisay wasaaradda haweenka ee Puntland oo ay sheegtay inay mar walba dadaal ugu jirto daryeelka hooyadda iyo dhallaanka.
Waxaa kaloo munaasabadda hadal ka jeedisey Caasha Axmed Cumar oo in ka badan 30 sano ahayd macallimad wax ka dhigta dugsiyada Buuhoodle, ahna guddoomiyaha daladda ururadda haweenka gobolka Cayn ayaa ku borrisay inay dhexdooda is-taakuleeyaan il-gaar ahna lagu eego qoysaska danta yar ee aan awoodda buuxda u lahayn daryeelka ubadkooda.
Ugu dambayn, waxaa soo xiray munaasabadda taliye ku-xigeenka booliiska gobolka Cayn, Col. Ibraahim Cabdi Balayax (Dhool-gu’) isagoo waaliddiinta kula dardaarmay inay carruurta wax-baraan kana daayaan garaaca oo taas badalkeeda ay ku dadaalaan inay wax u sheegaan.
Munaasabaddan oo looga hadlayay daryeelka carruurta ayaa sanadkan halku dhig looga dhigay – Ka-hortagga Tacadiyadda Carruurta loo geysto - waxayna munaasabaddu kusoo dhamaatay jawi wanaagsan.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool