
Jimco, November 21, 2014 (HOL) — Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo maanta u ambabaxay Jabuuti ayaa sheegay in mooshinka ka dhanka ah ra’iisul waasaraha Soomalia la qaybin doono Isniinta soo socota.
Jawaari oo warbaahinta kula hadlay garoonka Muqdisho ayaa sheegay inuu baarlamaanku kulan yeelan doono Isniinta soo socota, isagoo ka digay in la carqaladeeyo kulankaas, sidii loo carqaladeeyay kulammadii ka horreeyay.
“Haddii Alle idmo Isniinta soo socota ayuu baarlamaanku kumi donaa iyadoo la qaybin doono mooshinka xukuumadda laga keenay, ciddii isku dayda inay hor-istaag ku sameyso tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa,” ayuu ku hanjabay guddoomiyaha baarlmaanka Soomaaliya.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa u mahad-celiyay xildhibaanno uu sheegy in ay ilaaliyeen nidaamka baarlamaanka labadii kulan ee uu buuqu hareeyay kulammadii uu baarlamaanku yeelan lahaa.
Xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka laga keenay ra’iisul wasaaraha iyo xukuumad-diisa ayaa laba kulan oo uu yeelan lahaa baarlmaanka buuq ka sameeyay, kaasoo abuuray xiisad xooggan oo u dhexeysa baarlamaanka.
Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa imaanaya iyadoo xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka ay dalbadeen inaan baarlamaanka lagu soo celin mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay kuilmaameen mid laga soo abaabulay madaxtooyada Soomaaliya.
Dhanka kale, xildhibaannada mooshinka keenay ayaa guddoonka ugu baaqay inay tallaabo ka qaadaan cid walba oo hor-istaag ku sameysa shirarka baarlmaanku uu yeelanayo kale.
Si kastaba ha ahaatee, lama oga sida uu ku qabsoomi doono kulanka isniinta soo socoda uu yeelanayo baarlamaanka Somalia, maaadama ay weli taagan tahay kala aragti duwanaanta u dhexeysa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya