Roobab Mahiigaan ah Saameynna ku yeeshay Shacabka oo Muqdisho ka da'ay


Jimco, November 21, 2014 (HOL) — Roobab mahiigaan ah ayaa xalay ka da’ay Muqdisho kuwaasoo saameyn xooggan ku yeeshay dadka ku nool caasimadda, iyadoo waddooyinka magaalada qaarkoodna uu burbur ku yimid.

Daadad ka dhashay roobab ayaa xalay burburiyay guryo ay dad shacab ah ku noolaayeen iyo jidad, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha nafeed ee roobkii xalay uu dhaliyay.

“Xalay roob xooggan ayaa da’ay, guriga qayb ka mid ah ayaa nagu soo jabtay… runtii ma arag sanadahan roob la mid ah,” ayay tiri haweenka ku nool xaafadaha ku dhow waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, roobabka ayaa burburiyay guryo cooshado ka sameysnaa oo ku yaalla xeryo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, iyadoo qoysaska barakacayaasha ah qaarkood ay xalay oo dhan ahaayeen hoy la’aan.

Hooyo ka mid ah barkacayaasha ku nool Muqdisho ayaa warbaahinta qaar u sheegtay in dhibaato xooggan ay xalay soo gaartay, iyada iyo afar carruur ah oo ay dhashayna ay waayeen goob ay seexdaan.

“Guri yar oo baco iyo baakado ka sameysnaa ayuu roobku mar qura qaaday, xalay oo dhan dibadda ayaan iska joognay, dhaxanta iyo dhibicda roobkana kormeenna ayay ku hoortay,” ayay tiri hooyadan oo Sacdiyo Nuur ku sheegtay magaceeda.

Waddooyin horay u burbursanaa iyo kuwo ka mid ah kuwii dhawaan ay ku sameeyeen Turkigu dayactirka ayay roobabkii xalay burbur xooggan u geysteen, iyadoo gaadiid fara badanna sakay laga saaray daadad ku soo rog-maday garaashyadii ay yaalleen.

Roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho ayaa waxay qayb ka ahaayeen roobabka xilliga dayra; waxayna kusoo beegmeen xilli magaalada Muqdisho uu ka jiray kuleyl aad u daran oo habeen iyo maalinba ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya