
Jimco, November 21, 2014 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in 2016-ka ay Somalia ka dhici doonto doorasho xor ah. Isagoo gaashaanka ku dhuftay inuu raall-gelin ka bixiyo hadal uu horay u yiri.
Danjire Kay oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in kulanka Copenhagen ay ka soo baxday sidii Beesha Caalamka ay u taageeri lahayd Soomaaliya, isagoo xusay in shirkan uu ahaa mid dib loogu eegayo waxyaabihii ka qabsoomay shirkii Sannadii hore ee looga hadlay Hiigsiga Cusub.
Sidoo kale, Kay wuxuu ka hadlay walaaca ay beesha caalamku ka qabto is-mariga-waaga siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda Somalia isagoo xusay in Caalamku uusan diyaar u ahayn in khasab lagu xaliyo khilaafka, ayna xalka ka sugayaan saddexda hay’adood ee dowladda.
Ergayga oo la weydiiyay su’aal ahayd inuu raali-gelin ka bixinayo hadalkii baarlamaanka uu horay uga sheegay xildhibaannada baarlamaanka ee ahaa in xildhibaanada ay codkooda ku qaataan lacago laaluush ah, ayuu sheegay inaanay jirin sabab uu raalli-gelin uga bixiyo.
“Uma maleynayo inay tahay arrin raalli-gelin laga bixiyo, warbixinta aan soo saaray waa mid muujineysa walaaca ay dadyow badan ila wadaagaan oo loo baahan yahay in hay’adaha dowladda ay xal ka gaaraan,” ayuu yiri Kay.
Hadalka danjire Kay ayaa waxaa ka carooday xildhibaanno baarlamanka ka tirsan, kuwaas oo u badnaa kuwa mooshinka ka keenay ra’iisul wasaaraha, waxayna ka dalbadeen inuu raalli-gelin ka bixiyo.
Ugu dabeynn, danjire Kay, ayaa sheegay in khilaafka madaxda Somalia u dhexeeya uu walaac weyn ku abuuray beesha caalamka, kaasoo ku aaddan inay hakad ku yimaadaan howlaha dowladda, uusan saameyn ku yeesho horumarradii horay loo gaaray.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya