Axad, May 11, 2014 (HOL) — Maamulka GAL-MUDUG ayaa maanta amar ku siiyay dhakhaatiirta ka howlgala deegaannada uu maamulkaas ka taliyo inay si dhaqso ah isku diiwaan-geliyaan, si loo ogaado howlaha caafimaad ee ay qabanayaan.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Galmudug, Cumar Cabdi Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Koonfurta Gaalkacyo ayaa amarkan shaaciyay, isagoo xusay in tallaabadan ay tahay mid aqoonta dhakhaatiirta lagu hubinayo.
“Dhakhaatiirta ka howlgala Galmudug waa inay is-diiwaan-geliyaan si loo ogaado aqoontooda caafimaad ee ay kaga howlgalaan deegaannadan, umana dul-qaadan doonno dhakhaatiir iska timaadda deegaanka oo ka howlgala iyadoo aan la hubin aqoontooda,” ayuu yiri Cumar Cabdi.
Sidoo kale, agaasimaha ayaa sheegay in wasaaraddu ay wado qorshe lagu diiwan-galinayo dhakhaatiirtan ku sugan deegaannada Gal-mudug, iyadoo tallaabadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo uu maamulka Galmudug uu soo saaro.
Amarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan sidoo kale uu maamulka Puntland soo saaray amar noocan oo kale ah oo dhakhaatiirta ka howlgala looga dalbanayo inay is-diiwaan-geliyaan si loo ogaado aqoontooda caafimaad.
Deegaannada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka qaybgala dhakhaatiir aan u lahayn aqoon badan howlaha caafimaadka, iyadoo mas’uuliyiinta maamulladan ay sheegeen in tallaabadan ay tahay mid ay kaga hortagayaan in dhakhaatiirta aan aqoonta badan lahayn aysan ka howlgalayn deegaannadooda.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya