Axad, May 11, 2014 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenkii degmada Dayniile oo ka mid ah 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, Fooleey Dhiblaawe Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay, isagoo noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay oo ka tirsan maamulka degmooyinka Muqdisho oo xilkii horay loogu magacaabay iska casila.
Dhiblaawe ayaa u sababeeyay xil ka tagistiisa inuu markii hore ku fududaaday in uu xilka qabto, balse uu garwaaqsaday goor dambe inuu xilka iska casilo, uuna si rasmi ah ugu dhawaaaqay maanta inuu xilka iska casilo.
Mas’uulkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo ka tirsan maamulka dhowr bilood jirka ah ee maamulka gobolka Banaadir oo xilka iska casila, iyadoo ay xilalka isaga casileen guddoomiye ku xigeenkii dhinaca siyaasadda, Kamaal Xasan Daahir iyo afhayeenkii hore ee maamulka C/samad Sheekh oo boosaskooda la buuxiyay.
Guddoomiye ku xigeenka oo wareysi siinayay mid ka mid ah idaacadaha FM-yada ah ee madaxa-bannaan ee Muqdisho ka howlgala ayaa la weydiiyay inuu jiro culeys kaga yimid dhinaca Al-shabaabuuna taas xilka isaga casilay, isagoo sheegay inaysan jirin cid u hanjabtay, balse uu isagu go’aansaday inuu xilka ka tago.
Fooleey ayaa sheegay inuu qoraalkiisa is-casilaadda u gudbiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) uuna ka aqlabay, isaguna uu ku faraxsan yahay inuu xilka ka tago.
Maamulka gobolka Banaadir oo bilooyin dhowr ah jira ayaa waxay is-casilaadda xubnaha ka tirsan ay ku noqonaysaa culeys soo wajahay, inkastoo uusan maamulku weli ka hadlin is-casilaadda guddoomiye ku xigeenkii degmada Dayniile.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya