Madaxweynaha Somalia oo ku Wajahan Magaalada Kampala ee Dalka Uganda

Axad, May 11, 2014 (HOL) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusii jeeda Kampala, halkaasoo uu kula kulmo doono madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, si ay uga wada tashadaan xaaladaha Soomaaliya, maadaama ay askar badan kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Arrimaha ay labada madaxweyne kawada hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah ammaanka, siyaasadda iyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, wuxuuna safarka madaxweynaha uu ku aadayo Uganda kusoo beegmay xilli xildhibaanno ka tirsan abarlamaanka ay ka dalbadeen inuu xilka ka dago.

Waxyaabaha ay isla soo qaadi doonaan labada madaxweyne ayaa la sheegay inuu ka mid yahay xaaladda siyaasadeed ee haatan dalka ka taagan iyo codsigii ay u soo gudbiyeen madaxweynaha xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo looga dalbaday inuu xilka ka dago.

Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo aad u fara badan oo qayb ka ah howlgalka AMISOM, taasoo keentay in Museveni uu saameyn weyn ku yeesho arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Iyadoo la xusuusto inuu qayb weyn ku lahaa heshiiskii ay Soomaaliya kaga baxay KMG-nimada.

Safarka madaxweynaha Somalia uu ku tagayo magaalada Kampala ayaan la ogeyn inta maalmood ee uu qaadan karo, balse wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo uu dalka dibaddiisa ugu baxo tan iyo markii baaqa is-casilaadda ah loosoo jeediyay.

Xildhibaannada baarlamaanka ee baaqa kasoo saaray madaxweynaha ayaa horay u sheegay in madaxweynaha ay jawaab kaga sugayaan afar casho, balse haatan uu madaxweynuhu safar u baxayo, lamana oga go’aanka ay qaadan doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya