Axad, May 11, 2014 (HOL) — Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxa-banaan ee Somaliland (SSJW) ayaa cambaarayn kukul u jeediyay talaabada ay xukuumada Siilaanyo xabsiga ugu taxaabay gudoomiyaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargeyska Axmed Cali Cige.
Sidoo kale, waxa ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxa banaan sheegeen inay sharci daro tahay in lagu xukumo xeerka ciqaabta maadaama oo dalku leeyahay xeer lagu dhaqo saxaafadda.
“Ururka SSJW waxa uu uga digay xukuumada Siilaanyo cabudhinta iyo xadhiga sharci darada ah ee ay ku hayso warbaahinta madaxbanaan iyo suxufiyiinta ka hawlgala, waxaanu ugu baaqay madaxweyne Siilaanyo inaanu dalka u horseedin dhabihii iyo habdhaqanadii rajiimkii Siyaad Barre dalka lagaga xoreeyay ee aakhirkii sahayday burburkii Somalia”ayuu yidhi afhayeenka ururka SSJW Maxamed Ibraahim Sagax.
“Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxbanaan wuxuu si kulul u cambaaraynayaa xadhiga xabsiga loogu taxaabay gudoomiyaha wargeyka Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftiraha wargeyskaasi Axmed cali Cige oo horena xayiyaad loo saaray xarumihii warbaahinta Haatuf iyo Somaliland times, taas oo ururka SSJW uu u arko mid sharci daradii hore ee lagu xayiray Haatuf iyo Somaliland times lagu sii daray sharci darada xabsiga loogu taxaabay masuuliyinta Haatuf”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Dhinaca kale, labadda Qareen ee u doodayey masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ayaa sheegay in garsoorkiii la rabay inay dhexdhexaad ka noqdaan dacwadda ay markiiba u janjeedhsameen dhinacii xeer ilaalinta ee dacwadda wadatay.
“Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu maxkamadda horteeda ka yidhi Awood baan leeyahay oo wasiirka daakhiligu Awood-buu sheegtay, markaa maadaama oo meesha ay awood sheegasho ka dhacday oo awoodii qaranka la sheeganayo ee aanu aragnay afduubka iyo jujuubka meesha ka socda ayaanu iskaga baxnay anaguna meesha”ayuu yidhi Garyaqaan Xasan Cali Xasan oo mid ah looyaradda u doodayey masuuliyiinta Haatuf oo dacwaddi ka dhaxayso masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda Somaliland.
“Xeerka dhaqangalka ah ee Saxaafadda Somaliland ee Xeer Lr 27/2004 lama ixtiraamin oo waxa ay maxkamadu meesha soo dhigtay oo hoosta lagu sitaa xeerkii ciqaabta ee Soomaaliya ee Panel Code-ka, xeerka Saxaafadda Somaliland-na waxa uu dhigayaa in dacwadaha warbaahinta in lagu qaado xeerka dhaqangalka ah ee saxaafadda Somaliland ee Xeer Lr 27/2004, markaa sidaan hore u sheegay waxa noo muuqatay oo aanu aragnay in dacwadu afduub tahay oo aanay meesha wax cadaalad ahi ka dhicin”ayuu raaciey hadalkiisa.
“Waxaanu ka cabanaynaa garsooraha dacwada haya oo aanu leenahay dhex-dhexaad kama aha dacwada oo isagu u ciiray xaga xeer ilaalinta iyo wasiiradda awooda sheeganayaa, markaa arrintaasi wixii aanu ka yeeli lahayn waanu ka tashan doonaa laakiin sababtaasi ayaanu imika dacwada uga soo baxnay”ayuu yidhi Garyaqaan Cismaan Askar Maxamed oo ah looyarka labaad ee u doodaya masuuliyiinta Haatuf.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa shalay xabsiga dhexe magaaladda Hargeysa loo taxaabay gudoomiyihii iyo tifaftirihii wargeyska Haatuf, ka dib markii ay wax ka qoreen musuqmaasuq ay sheegeen inay ku kaceen wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, taas oo keentay in la xayiro wargeyskii, isla markaana iyagana xabsiga loo taxaabo.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland