Axad, May 11, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gellinkii dambe ee maanta u dhoofay Uganda, halkaas oo lagu wado inuu kula kulmo madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.
Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa: wasiirka gaashaandhigga, taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo mas’uliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha ay rasmi ahaan uga wada-hadli doonaan labada madaxweyne iyo wafdiga la socda madaxweynaha.
Inkastoo wafdiga madaxweynaha aysan wax faahfaahin ah ka bixin booqashadooda dalka Uganda, balse warar hoose ayaa sheegaya inay kawada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin: dagaalka lagula jiro Al-shabaab, ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan iyo arrimo kale.
Sidoo kale, wararka qaarkood ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay iskula soo qaadi doonaan kulankooda arrimaha siyaasadda dalka, kuwaasoo la filayo inay ka mid noqoto baaqii xildhibaannada baarlamaanka ay kaga dalbadeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu is-casilo.
Booqashada madaxweynaha ayaa saaka si hordhac ah u soo baxday, iyadoo ay ku soo beegmayso xilli xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ay wadaan olole ballaaran oo ay ku doonayaan inay xilka kaga qaadaan madaxweynaha Somalia.
Dalka Uganda ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka AMISOM, kuwaasoo gacan ka siiya dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo ah koox islaami ah oo xiriir la leh Al-Qaacida.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya