Mas’uuliyiin codsaday in la joojiyo ololaha xilka looga qaadayo Xasan Sheekh

Axad, May 11, 2014 (HOL) — Xidlhibaanno, haween, waxgarad iyo xubno kale oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ka hadlay dibadbax lagu taageerayay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Banaadir Istaadiyum ayaa sheegay in laga laabto ololaha lagu doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha Soomaaliya.

Xubnahan ayaa waxay sheegeen in dalka aan dib loogu celin xilligii KMG ahaa ee laga soo gudbay, iyagoo sheegya in haddii madaxweynaha xilka laga qaado ay ka dhigan tahay in dalka dib loogu celiyo xilliyadii uu kasoo gudbay oo ay ka mid ahayd KMG-nimada.

“Waxaan xildhibaannada wada qorshayaasha xilka looga qaadayo madaxweyne Xasan Sheekh waxaan ka dalbanaynaa inay go’aankooda ka laabtaan, waayo ma ahan tallaabadaas mid ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waana mid ka dhigan in dalka dib loogu celiyo xilligii uu kasoo gudbay,” ayuu yiri Axmed Weheliye Cali oo ka mid ahaa waxgaradkii dibadbaxa ka hadlay.

Sidoo kale, xildhiabanno iyaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inay xubnaha ololaha wada u soo jeedinayaan inay ka laabtaan go’aankooda, iyagoo xusay in dowladda hadda jirta loo ogolaado inay waqtideeda dhamesato, ayna howlaha u haray fuliso.

“Annagu kuma haysanno xildhibaannada howlahooda sharci-dajinta, balse tan aan uga digayno waa inay maanta u soo jeestaan din dalka dib loo celiyo, waa arrin aad u fool xun, waxaana leennahay walaalayaaloow ka laabta go’aankiinna ogolaadana in dalka la horumariyo,” ayay tiri mid ka mid ah haweenkii goobta uu ka dhacay dibadbaxa ka hadashay.

Guddoomiyaha gobolka Baanadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo isaguna ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in dalku uu marayo meel ka wanaagsan halkii uu joogay labaatankii sano ee lasoo dhaafay uuna ku talinayo inaan dib loo celin, isagoo xildhibaanada ololaha wada ka dalbaday inay dib ula laabtaan oo ay dalka iyo dadka u daneeyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayay inuu dibad-baxa ka qaybgalo ayaan ka qaybgelin, iyadoo aan la sheegin sababta keentay in uu ka baaqsado ka qaybgalka dibadbaxa lagu taageerayay, sidoo kalena kama aysan qaybgelin dibadbaxan ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamanka.

Dhanka kale, xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo ka ka mid xildhibaannadkii u soo jeediyay madaxweynah inuu xilka ka dago oo la weydiiyay sida uu u arko dibad-baxa maanta ka dhacay Muqdisho ee lagu taageerayay madaxweynaha loogana soo horjeeday iyaga ayaa sheegay in iyagu ay ku hadlayaan afka shacabka oo dhan, shacabka Soomaaliyeedna ay ka badan yihiin kuwo meel la isugu keeno, ololahoodana aysan ka laabanayn oo ay wadi doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya