Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo Mooshin laga keenay

Axad, May 11, 2014 (HOL) — Kulankii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen maanta Muqdisho oo la qorsheynayay in codka loogu qaado heshiiska ay dalka kaga howlgasho shirkadda FAVORI ee laga leeyahay Turkiga ayaa dib loo dhigay, kaddib markii xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay keeneen mooshin ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/llaahi Goodax Barre.

Guddoomiyaha ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka shir-guddoominayay; iyadoo 65-xildhibaan oo mooshinka soo gudbiyay ay ku dhaliileen wasiirka arrimaha gudaha wax-qabad la’aan wasaaradda uu ku magacaaban yahay.

Xidlhibaannadii baarlamaanka ayaa ka dooday mooshinka, iyadoo lix mudane oo hadlay ay si weyn ugu kala aragti duwanaayeen mooshinka, iyadoo kuwo ka mid ah ay soo jeediyeen in dib looga laabto mooshinka, wasiirkana loo yeero loona sheego howlaha uu qaban waayay.

Sidoo kale, xildhibaanno kale oo taageersan mooshinka ayaa iyaguna sheegay inay tahay in cod loo qaado wasiirka, iyagoo ku dhaliilay waxqabad la’aan, waxayna inta badan sheegeen in wasiirku uu kasoo bixi waayay howlihii laga filayay.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/llaahi Goodax ayaa mooshinkan laga keenay wuxuu kusoo beegmayaa, isagoo dhawaan hortagay baarlamaanka kana siiyay faahfaahin su’aalo ay ka weydiiyeen howlihii ay qabatay wasaaraddiisa.

Guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in ka doodista mooshinkan uu sii soconayo iyadoo sidoo kalena uu guddoonku sheegay in dib loo dhigay cod u qaadistii FAVORI oo ah shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo aan la ogeyn xilliga codka loo qaadi doono.

Mooshinka laga keenay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa imaanaya xilli xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay toddobaadkii hore ugu baaqeen madaxweynaha Soomaaliya inuu xilka iska casilo, kaddib markii ay ku eedeeyeen xil-gudasho la’aan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya