Axad, June 01, 2014 (HOL) — Waxaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho dhakhaatiir Soomaaliyeed soo qaatay billado iyo shahaadooyin uu guddoonsiiyay machadka caalamiga ah ee (Accademia Internazionale - Giuseppe Pitre) oo ku yaalla magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga.
Dhaqaatiirta ku guuleysatay billadaha ayaa kala ah: guddoomiyaha jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar iyo Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka mid ahaa asaasayaasha jaamacadda Banaadir.
Waxaa garoonka diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyay dhakhaatiirtan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka iyo macallimiinta jaamacadda Banaadir iyo shacab, waxaana xubnahaas ka mid ahaa wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud.
Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo shalay dalka dib ugu soo laabtay iyo Prof. Dufle oo maanta yimid ayaa si wadajir ah shir jaraaid ugu qabtay garoonka Muqdisho, iyagoo faah-faahin ka bixiyay socdaalka ay ku tageen Talyaaniga iyo guulaha ay kasoo hoyeen.
Guddoomiyaha jaamacadda Banaadir, Dr. Dalmar oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in isaga iyo Prof. Dufle ay booqasho gaaban ku tageen magaalooyinka Palermo, Milano iyo Firenze oo kawada tirsan Talyaaniga ayna ka qayb-galeen muddadii ay dalkaas joogeen shir caalami ah oo sannad walba mar ay qabato hay’adda caalamiga ah (Accademia Internazionale “Giuseppe Pitre”).
“Waxaa shirweynahaas kasoo qayb-galay aqoonyahanno fara badan oo caalamka ka kala yimid, waxaa sharaf inoo ah in aniga iyo Prof. Dufle aan noqonay dadkii ugu horreeyey oo Afrikaan ah ee la siiyo billada machadkan uu bixiyo; taasoo ah guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Dr. Dalmar.
Sidoo kale, dhakhtarka ayaa sheegay in billaddaas ay ku muteysteen aasaasiddii jaamacada Banaadir iyo howlaha caafimaad ee ay dalka ka wadaan, isagoo intaa ku daray inuu u mahad-celinayo bahda Jaamacada, mu’asasadd, aqoonyannada, macallimiinta iyo ardayda jaamacadda iyo waalidiinta oo uu sheegay inay magacooda kusoo qaateen billadahan.
Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah xildhibaan ku magacaaban guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Somalia ayaa isna shirkaas jaraaid ka hadlay, isagoo ugu horreyn u mahad-celiyey mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee kusoo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde, wuxuuna dhinaca kale sheegay inay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed abaal-marinta caalamiga ah ee la guddoonsiiyey isaga iyo guddoomiyaha jaamacada Banaadir.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in machadka caalamiga ah ee Giuseppe Pitre uu ii sharaxay dadka u taagan abaal-marinta dunida ugu sarreysa ee Nopel Peace oo sannadkiiba mar la bixiyo; anigoo noqday dhakhtarkii Afrikaan ah ee ugu horreeyay oo abaal-marintaas loo sharraxo waa guul kale oo shacabka u soo hoyatay,” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in sababaha loogu sharaxay abaal-marintaan ay ka mid yihiin gurmadkii ay xilligii dagaallada sameeyeen guddigii caafimaadka ee uu isagu guddoomiyaha u ahaa, kuwaasoo uu xusay in haddii aysan shaqadaas qaban lahayn ay dhibaatadu intaas ka badnaan lahayd, tan labaad oo ah dib u soo nooleynta isbitaaladii magaalada iyadoo xilligaas uu jiray qad cagaaran iyo midda sadexaad ah oo iyaduna ah abaabulka iyo asaasidda jaamacada Banaadir iyo dhakhaatiirtii ay soo saartay muddadii ay jirtay.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inuu u mahadcelinayo shaqsiyaad uu ka xusay: Prof. Giuseppe Ganbino oo ah guddoomiyaha machadka Giuseppe Pitre oo ka dhisan Palermo, Prof. Chigo di costanto oo ah wakiilkeenna Talyaaniga iyo Prof. Salvatore Lazarini oo ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaashii howshan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

