Xaflad jidkaas lagu furayey oo ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika qaybteeda magaalada Boosaaso, waxaa kasoo qayb galay maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo xubno metalayey qaybaha kala duwan ee bulshada.
Duqa Degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo isugu horreyn goobta ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey qaabkii uu mashruuca jidkan lagu dhisay ku bilowday iyo weliba cidda bixisay dhaqaalaha ku baxay.
Wuxuuna sheegay in jidkan oo dhererkiisu uu gaarayo 9.5km uu qayb ka qaadanayo yareynta ciriirigii dhanka gaadiidke ka jirey magaalada, isagoo xusay in mashruucan ay maalgelisey Hay'adda UNHABITAT.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:Madaxweyne Gaas oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa wax lagu farxo ku timaamay in maanta uu ka qayb galo munaasabad xarigga looga jarayo jid laami la saaray oo kamid ah kuwa magaalada Boosaaso, taas isagoo ka hadlayey wuxuu yiri: ''waxaan oran lahaa Hay'adda dhistay wadadan ee UN-HABITAT wixii aad heshaanba jid noogu dhisa haddaad doontaan wax kaleba ha qabinana...jidadku waa muhiim horumarka ayeyna qayb ka yihiin''
Labadii sano ee ugu dambeeyey, waxaa magaalada Boosaaso laami la saaray dhowr jid oo ay kamid yihiin jidadka aada: garoonka diyaaradaha, dekedda iyo madaxtooyada.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya