Xiisad ka Taagan Taleefoonka Madaxweynaha Dalka Kenya oo la Dhagaystay

President Uhuru Kenyatta. The business empire that is associated with Kenya’s founding president Mzee Jomo Kenyatta has in recent months made fresh bets in the hospitality, dairy, media and banking sectors – and in foreign markets where it is seeking to buy existing players or launch green-shoe operations. Photo/FILE
Axad, June 01, 2014 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa  sirdoonka Maraykanka ku eedeesay in ay siyaabo kala duwan  u dhagaysteen taleefaanka madaxweyne Uhuru Kenyatta sida lagu xusay war isa-soo tarayay labadii maalin ee la soo dhaafay.

“Arintan oo kale waxa ay dhawacaysaa siraha gaarka ah ee madaxdeena,mana ahan wax laga aqbali karo dhinaceena,“ ayuu yiri wasiirka warfaafinta iyo isgaarsinta Kenya Fred Matiang oo warbaahinta la hadlay.

Waxaa kaloo uu wasiirka sheegay in howshan lagu xalin doono qaab-dublamaasiyadeed, isla markaana la ogaaday xog- ku saabsan in la dhagaystay wada-hadallo dhex maray madaxweynaha iyo masuuliyiin horey uga tirsanaan jiray aqalka  sare ee barlamaanka Kenya.

Fred Matiang ayaa tilmaamay in wasaaradda arimaha dibadda Kenya ay arintan kala hadli doonto madaxda dowladda  Maraykanka, isagoo xusay in xitaa la dhagaystay taleefanada madax badan oo Afrikaan ah.

“Waan ogahay in arintan ay tahay mid shaac baxsan waayo waxaa horey loo basaasay dad ay kamid yihiin Angela Markel iyo kuwa ka tirsan Midowga Yurub,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ,waxaana uu ka digay dhibaatada ka imaan karta arimahan  oo kale .

Ugu danbayntii madaxwyne Uhur Kenyatta ayaan laftiisa wali ka hadlin wararkan la xiriira fadeexaddaan ,waxaana madaxda dowaldda ay mar horeba sii bilaabeen dadaallado lagu hubinayo amniga shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl-gala Kenya oo dhan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]