Maxkamadda ciidamada PL oo maanta xukuntay Nin ku eedeysan dilka 23qof


Axad, June 01, 2014 (HOL) —Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riddey nin la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab qaybna ka qaatay dilal badan oo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Xeer-ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Puntland qaybteeda gobolka Nugaal C/laahi Xirsi (C/laahi Dheere), ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo C/qaadir Maxamed Cali uu qirtey inuu qayb ka qaatay waxna ka ogaa dilka 23-qof oo saraakiil dowladda Puntland ka tirsan iyo shacabba isugu jirey, dadkaas oo la laayey intii u dhexeysey sanadihii 2009 ilaa 2012.

Eedeysanaha oo ay ciidamada ammaanku magaalada Gaalkacayo ka qabteen bishii Janaayo ee sanadkan, waxaa fursad loo siiyey muddo 30 beri ah, waqtigaasoo ay maxkamaddu u oggolaatay in xukunka ka dhacay uu rafcaan kaga qaato.

Dadka C/qaadir Maxamed Cali dilkooda lagu soo eedeeyey ayaa kala ahaa:
  1. Dhamme C/qaadir Cali Maqaar, la diley  July 21, 2010
  2. G/ dhexe Cali Jaamac Qalas, xeer ilaaliyihii maxkamadda gobolka Bari, la diley June 13, 2010
  3. Agaasime Faarax Maxamuud Aadan , la diley October 18, 2010
  4. Axmed Cumar Muse, la diley February 18, 2010
  5. Xildhibaan C/laahi Cali Kaarad, la diley January 6, 2010
  6. Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Bari, Maxamed Cabid Awaare, la diley Oct 11, 2009
  7. Xildhibaan Maxamed Cabdi Jibriil, la diley January 19, 2010
  8. Hitler Odawaa Cartan, la diley December 16, 2010
  9. Mukhtaar Sheekh Cali Jifi-jabsade, la diley April 30, 2012
  10. Nabadoon Nuur -waal, la diley 2012
  11. Xeer-ilaaliyihii gobolka Mudug Axmed Muuse Geelle Tima-jilic, la diley June 6, 2011
  12. Maxamed Cabdi Kacaan, la dhaawacay
  13. Xeer-ilaaliyihii gobolka Mudug C/qaadir Jaamac Nugaal, la diley January 25, 2011
  14. Xeer-ilaaliyihii gobolka Mudug C/salaan Cali Saylaan, la diley May 25, 2011
  15. Maxamed Yaasiin Barre (Kharaab), la diley June 14, 2011
  16. C/qaadir Yaasiin Xaaji Jaamac, la diley October 28, 2011
  17. Kayse C/raxmaan Warsame, la diley March 18, 2011
  18. Safiyo Jaamac Yuusuf, la diley January 18, 2010
  19. Maxamed C/laahi Aadan, la diley January 31, 2010
  20. Yuusuf Warsame Islaan, la diley January 4, 2011
  21. Geesood Gama'diid, la diley March 5, 2011

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland waxay laga soo bilaabo sannadkii hore ee 2013 xukuntay in ka badan 50 qof, dadkaas oo badankooda lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, qaybna ka qaateen fal-dembiyeedyo ka dhacay deegaanada Puntland.

Xukunnada ay horay maxkamaddu u riddey waxay u badnaayeen dil toogasho ah, waxaana xusid mudan in xukunkaas lagu fuliyey in ka badan labaatan qof, tobannaan kale oo isugu jira kuwo la xukumay iyo kuwo xukun sugeyaal ahina ay xabsiyada waaweyn ku jiraan.

Muddadii u dhexeysey 2009 ilaa sannadkii 2011, waxaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan Boosaaso iyo Gaalkacayo lagu diley ku dhowaad 100 qof, dadkaas oo isugu jirey: xildhibaanno, saraakiil ciidan, madax-dhaqameed, gacansato, culimaa'uddiin iyo weliba aqoon-yahan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya