Axad, June 01, 2014 (HOL) — Ardayda wax-ka-barata kulliyadaha xarumaha kala duwan ee jaamacadda Muqdisho ayaa 31-kii bishii lasoo dhaafay u fariistay imtixaankii finalka simisterka labaad ee sannad jaamacadeedka 2013 illaa 2014 iyadoo qaybta ay iyaguna maalmo ka hor u fariisteen.
Diiwaan-hayaha guud ee jaamacadda Muqdisho, Dr. Maxamed Xasan Nuur oo ka war-bixiyay imtixaanka ayaa sheegay in maanta ay u tahay farxad weyn inuu jawi wanaagsan ugu billowday imtixaanka uuna si wanaagsan ku dhammaan doono. Isagoo u mahad-celiyey maamulka, macallimiinta iyo shaqaalaha oo uu sheegay inay dadaal weyn ku bixiyeen in imtixaanku uu jawi wanaagsan ku billowdo.
Sidoo kale, Dr. Maxamed Xasan ayaa u rajeeyay ardayda inuu alle qalinkooda ugu toosiyo guusha ay hiigsanayaan, wuxuuna u mahad-celiyay waaliddiinta Soomaaliyeed ee kalsoonida siiyay jaamacadda Muqdisho inay ilmahooda wax ka bartaan; wuxuuna ardayda u rajeeyey guul wanaagsan.
Dhanka kale, guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho, Prof. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa sannadkan wuxuu farxadda la wadaagayaa dufcadii saddexaad ee qalin-jabinaysa iyo ardayda kale ee galaya imtixaanaadkoodii ay fasalada kale ugu gudbi lahaayeen; soona kormeeray hoolaalka imtixaannadu ka socdaan iyo waaxda imtixaanaadka ee jaamacadda.
Guddoomiyaha wuxuu u hambalyeeyay waaliddiinta, macallimiinta, maammulka, bahda tacliinta heerarkeeda kala duwan iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
Maamulaha jaamacadda Muqdisho qaybteeda Boosaaso , Aadan Axmed oo isna ka warbixinayay habka hawlah imtixaanaadku u socdo ayaa sheegay in xarunta Puntland oo shaqaynaysay laga soo billaabo 2008-dii ay si joogtaha ugu talaab-sanaysay horumar iyo wax-qabad, hadda waxay ka kooban tahay shan kulliyad iyo 12 takhasus oo arday badan oo hablo iyo wiilal ahi wax ku bartaan, waxayna bartaan Qaanuunka iyo Sharciga, Arrimaha Bulshada, Xisaabaadka iyo Fiisigiska, Dhaqaalaha, Maamulka Ganacsiga, Maamulka Guud, Bangiyada, Cilmiga Kambiyuutarka, Tiknolojiyada, Kal-kaaliyenimada iyo Caafimaadka Bulshada.
Sannadkaan ayaa waxaa imtixaanka u fariistay ardayda dhigata sagaal kulliyadood, 27-takhasus; iyadoo imtixaanka uu soo gaba-gaboobi doono 10 bisha Juulaay ee soo socota.
Waxaa xusid mudan in jaamacadda Muqdisho leedahay aqoonsi heer caalami ah oo xubin ka ah toddobada urur jaamacadeed ee dunida ugu waaweyn; waxaana laga xusi karaa:
1. Midowga Jaamacadaha Caalamka Islaaamka (FUMI).
2. Midawga Jaamacaddaha Waddamada Carabta ( AARU).
3. Midowga Jaamacadaha Afrika (AAU).
4. Midawga Jaamacadaha Caalamka (AIU) iyo kuwa kale.
Dhinaca kale, jaamacdda Muqdisho waxay maxay bixisaa shahaadada Master-ka iyo PhD, takhasusyada MBA, IT iyo waxbarashada oo ay iska kaashadaan Jaamacadda Muqdisho, Asian University iyo Open University Malaysia.
Ugu dambeyn, jaamacdda Muqdisho waxay ay bixisaa dibaloomooyin kala duwan oo takhasusi ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya







