Axad, June 01, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle Beileh ayaa xalay casho-sharaf ugu sameeyay Hoteelka Jazeera ee Muqdisho qaar ka mid ah safiirrada Somalia u fadhiya calaamka, isagoo ku boorriyay inay xoojiyaan howlaha Qaranka ay u hayaan oo ah fulinta siyaasadda dibadda, dib u dhiska, maal-gashiga iyo ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay safiirrada Somalia ee dalalka Uganda, Yemen, Tanzania, Bakistaan, Hindiya, Malaysiya, Turkiga, Jarmalka, Taliyaaniga iyo sidoo kale agaasimayaasha hab-maamuuska iyo machadka daraasaadka diblomaasiyadda ee wasaaradda arrimaah dibadda Soomaaliya.
Fadhiga ayaa waxaa looga hadlay qaabka lagu horumarin karo wasaaradda, dhismooyin cusub oo laga hirgeliyo xarunta wasaaradda oo la xiriira machadka daraasaadka diblomaasiyadda, maktabadda, naadiga dublamaasiyiinta iyo guriga martida.
Mudane Ducaale ayaa xusay inay laga maarmaan tahay in dhammaan safiirrada Soomaaliya u kala matala dalalka kala duwan ee caalamka ay la yimaadaan wax-qabad muuqda oo dalka kusoo kordhin kara faa’idooyin kala duwan.
“Waa inaan bedelnaa muuqaalka dalkeenna oo aan dib u soo celinaa sumcadda iyo karaamada magaca Soomaaliya, waa inaad jaaliyadaha Soomaaliyeed ku wacyi-gelisaan wadaniyad iyo dal jaceyl, si ay sare ugu qaadaan calankeena, ayna ka qayb-galaan dayactirka iyo dib u dhiska safaaradaha iyo qunsuliyadaha,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu hadalkiisa ku daray: “Waa inaad la qaybsataan dhibta dadkiina si aad ugu saldhigtaan dhaqan waddaniyadeed, una istaagtaan bad-baadinta taariikhda iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, waa inaan ku faannaa Soomaalinimadeena oo aan mideynaa dhammaan fikradaheena si horumar loo gaaro.”
Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay Alle dambi dhaaf weydiistaan, ayna is-cafiyaan, una midoobaan xallinta dhammaan khilaafyada jira, ayna taageeraan dowladda federaalka Soomaaliya si loogu guuleysto geeddi-socodka nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya