Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo Maanta lagu dilay deegaanka Tixsiile

Axad, June 01, 2014 (HOL) — Sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ayaa lagu dilay maanta deegaanka Tixsiile ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii isaga iyo ciidamo uu watay ay weereen ciidammo ka tirsan dowladda oo deegaankaas ku sugnaa.

Yuusuf Cali Indhoole oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe isagoo ka baxsaday, kaddib markii isaga iyo guddoomiyihii hore ee degmadaas Cismaan Xaadoole ay askar ka tirsan ciidamada booliiska ku dileen degmadaas.

“Indhoole iyo ilaalo ilaalo uu watay ayaa weeraray ciidammo ku sugnaa Tixsiile isaga iyo afar ilaaladiisa ah ayaana ku dhintay dagaalka,” ayuu warbaahinta u sheegay taliyaha qaybta booliiska gobolka Shabeellada Hoose, Cabdi Ibraahim Shaamoow.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in Yusuuf Indhoole oo dhuumaaleysi qaybo ka mid ah ku joogay gobolka Shabeellada Hoose uu dhowr jeer weerarro ku qaaday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo gobolkaas ku sugan.

“Dhowr askari ayay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dagaalka, balse shan qof oo uu sarkaalku ku jiro ayaa lagu dilay, tanina waxay soo afjaraysaa rabsho uu gobolka ka waday dhawaanahan Yuusuf Indhoole,” ayuu Shaamow hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyihii hore ee degmada Balcad iyo sarkaalkan ayaa baxsad ahaa tan iyo markii ay degmadaas ku dileen ciidammo ka tirsan booliiska Somalia ku socday degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Weerarka lagu dilay ciidamadan ayaa keenay in ciidammo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda ay degmadaas tagaan, ayna mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay guddoomiye cusub u magacabeen, iyadoo amar lagu bixiyay in lasoo qabto kuwii  ka dambeeyay dilka askarta booliiska ah.

Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dilka sarkaalka horay uga tirsanaa ciidamada xoogga ee dhuumaleysiga ku jiray, waxaana qal-qal uu geliyay dagaalkii maanta xaaladda deggenaasho ee deegaanka Tixsiile.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Axad, June 01, 2014 (HOL) — Waxaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho dhakhaatiir Soomaaliyeed soo qaatay billado iyo shahaadooyin uu guddoonsiiyay machadka caalamiga ah ee (Accademia Internazionale - Giuseppe Pitre) oo ku yaalla magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga.

Axad, June 01, 2014 (HOL) —Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riddey nin la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab qaybna ka qaatay dilal badan oo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Axad, June 01, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland oo shalay isaga iyo wafdi uu hoggaaminayaa ay magaalada Boosaaso soo gaareen, ayaa maanta xarigga ka jaray waddo laami la saaray oo todobaadyo kahor uu dhismaheedu soo gaba gaboobay.

Axad, June 01, 2014 (HOL) — Habeen hore ayaa waxaa qarax khasaare nafeed geystay uu ka dhacay agagaarka hoteel City Palace, iyadoo xilligaas uu shir uga socday hotelka xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Axad, June 01, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta ku toogtay xaafad ka tirsan degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir haweeney rayid ah, iyadoo ay kooxaha dilkaan ka dambeeyay ayaa markiiba baxsaday.

Axad, June 01, 2014 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sirdoonka Maraykanka ku eedeesay in ay siyaabo kala duwan u dhagaysteen taleefaanka madaxweyne Uhuru Kenyatta sida lagu xusay war isa-soo tarayay labadii maalin ee la soo dhaafay.

Axad, June 01, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia, Mustaf Sheekh Cali Duhulow oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay howlaha u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya iyo wax-qabadkeeda todobaadkii hore. Isagoo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin weerarkii iyo qaraxii lagu qaaday dhismaha baarlamaanka, arrimaha beeraha, sharciga isgaarsiinta, xaquuqda aadanaha, magacaabistii guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka iyo horumarka barnaamijka xasilinta dalka.

Axad, June 01, 2014 (HOL) — Ardayda wax-ka-barata kulliyadaha xarumaha kala duwan ee jaamacadda Muqdisho ayaa 31-kii bishii lasoo dhaafay u fariistay imtixaankii finalka simisterka labaad ee sannad jaamacadeedka 2013 illaa 2014 iyadoo qaybta ay iyaguna maalmo ka hor u fariisteen.

Axad, June 01, 2014 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacmay qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, sida uu sheegay taliyaha booliiska magaalada Gaarisa.

Axad, June 01, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle Beileh ayaa xalay casho-sharaf ugu sameeyay Hoteelka Jazeera ee Muqdisho qaar ka mid ah safiirrada Somalia u fadhiya calaamka, isagoo ku boorriyay inay xoojiyaan howlaha Qaranka ay u hayaan oo ah fulinta siyaasadda dibadda, dib u dhiska, maal-gashiga iyo ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Axad, June 01, 2014 (HOL) — Xukuumadda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday magacyada labadii qof ee dhawaan qaraxyada ka geystay maqaahida La Chummier ee magaalada Jabuuti, taasoo ahayd goob ay ka cunteeyaan dadka ajnabiga ah ee ku nool magaaladaas.

Somali News

6/1/2014 4:20 PM EST
Mogadishu, June 1, 2014:- The Chief of Defence Staff (CDS) of Republic of Sierra Leone Armed Forces (RSLAF), Brigadier General Samuel Omar Williams yesterday arrived in Mogadishu for a first-time visit to Somalia.

6/1/2014 11:41 AM EST
CHAPEL HILL — Last September, Albert Thrower didn’t know what to expect when he knocked on the door of an apartment shared by several Somali refugees.

6/1/2014 11:01 AM EST
Three Somali government officials will undergo three weeks of training in Japan from Monday to better tackle piracy off the Horn of Africa.

6/1/2014 10:56 AM EST
London, United Kingdom - A Somali man forcibly returned to Mogadishu from the UK under a controversial new scheme to send home failed asylum seekers has described how he was punched and kicked by the British guards who accompanied him, and left him bleeding in a cell after having a tooth knocked out.

6/1/2014 10:42 AM EST
Djibouti has revealed the names of the two suicide bombers who recently blew themselves up at the Cheaumiere restaurant in the city centre which caused the deaths and injuries of several westerners.

6/1/2014 5:58 AM EST
The University of Minnesota is seeking 300 current and former residents of the Skyline high-rise apartment in St. Paul who might have been exposed to infectious diseases due to misuse of blood monitoring equipment at charitable screening events.

6/1/2014 5:21 AM EST
Meriam Ibrahim, the Sudanese woman sentenced to death for her Christian beliefs, will be freed in the next few days it was reported on Saturday night. The mother of two, who gave birth to a daughter on Tuesday while shackled in heavy chains, has been in jail since January.

6/1/2014 4:36 AM EST
The Jubilee government has been challenged to take bold action and stop the killings pitting two clans in Wajir, the Gare and Degodia.

6/1/2014 4:21 AM EST
Focus Learning Academy graduation ceremony

6/1/2014 1:36 AM EST
A grenade attack at a garage in the eastern Kenyan town of Garissa left three people wounded, a local police chief has said.

6/1/2014 12:47 AM EST
The head of the United Nations World Food Program says the world is facing an unprecedented challenge in its battle against global poverty — too much war in too many corners of the planet.
Click here