Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyeeyay Geeridii C/casiis N. Xirsi


Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka tacsiyeeyay geerida Cabdicasiis Nuur Xirsi oo ka mid ahaa odayaashii Puntland wax ka dhisay, xilal kala duwanna kasoo qabtay Soomaaliya.

C/weli Gaas ayaa hadalkan ka sheegay shir saxaafadeed uu ku qabtay maanta xafiiskiisa Garoowe, isagoo Alle ka baryay inuu ehellada marxuumka siiyo samir iyo iimaan buuxa.

“Waxaan rabaa inaan halkan uga diro tacsi eheladii, qaraabadii iyo ummadda Soomaliyeed gaar ahaan reer Puntland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee marxuum C/casiis Nuur Xirsi oo xalay ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Maraykanka,’’ ayuu madaxweynuhu yiri.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu ka shekeeyay qaar ka mid ah taariikh nololeedkii marxuumka wuxuna yiri: “Wuxuu ahaa oday ku weyn Puntland iyo Soomaalida oo dhan, wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, sidoo kale wuxuu xubin firfircoon ka ahaa baarlamaankii Somalia intii u dhaxeysay 1964-kii illaa 1969-kii, isagoo markii dambe xilal wasaaradeed ka soo qabtay dowladdii jirtay, waxana uu ahaa sharci-yaqaan.’’

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya