Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa ka baxay ciidammo ka tirsan AMISOM oo isugu jiray Burundi iyo Uganda, kuwaasoo muddo sannado ah howlgallo nabad ilaalin ah u joogay gobolka Bay.
Ciidamadan ayaa ka guuray dhammaan saldhigyadii ay kaga sugnaayeen Baydhabo iyo deegaannada, iyadoo markii ay guurayeen uu kaare ay wateen burburiyay taalladii afar irdoodka, kaddib markii kaaraha oo xawaare sare ku socday uu si lama filaan ah ugu yimid taallada oo ay Baydhabo caan ku ahayd.
Sidoo kale, khasaaraha ay dhaliyeen ciidamada AMISOM ayaa waxaa ka mid ah in gaari ay wateen AMISOM uu lug ka jiiray haweeney waayeel ah oo lagu magacaabo Faadumo Cabdow taasoo lagu daweynayo isbitaalka weyn ee Baydhabo.
Baydhabo ayaa waxaa dhinaca kale lagu dhaariyay golaha dhaqanka ee lixda gobol oo gaaraya 54 xubnood, iyadoo 19-xubnood aysan soo xaadirin goobta dhaarinta, waayo tirada guud waa 73 nabaddoon.
Odayaasha ayaa soo magacaabi doonaa guddiga doorashada ee soo diyaarin doona shuruudaha laga doonayo madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed iyo labadiisa ku xigeen. Laakiin madaxweynaha iyo labadiisa ku xigeen ayaa waxaa soo dooran doona golaha dhaqan ee lixda gobol ee 73 xubnood ka kooban.
Hiiraan Online, Baydhabo