Madaxweynaha: Howlgallada AMISOM dhawaan ayay billaabanayaan


Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ku sugan Addis Ababa ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ka talisa deegaanno ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Somalia.

Xasan Sheekh oo ka qaybgalay shirka madaxda Afrika ee Addis Ababa ka socda ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay horay ugu socon doonaan goobaha ay ka taliso Al-shabaab.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalkaas si wadajir ah u fudlin doona howlgalka lagu ciribtirayo Al-shabaab, waxaana qorshuhu yahay in laga saaro gabi ahaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Somalia,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha oo aan si cad u sheegin xilliga ay howgalladani billaaban doonaan ayaa haddana wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku billaaban doonaan.

“Dhab ahaan qorshaheennu waa inaan joojinno dhibaatooyinka ay dalka ka geysanayaan, balse way dhici kartaa in muddo ay sii jirto kooxdan,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Toddobaadkii hore ayay ciidamada Itoobiya ku biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo la sheegay inay ka howlgeli doonaan saddex gobol oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, iyadoo tirada AMISOM lagu wado inay gaarto 22,000 oo askari.

“Hadda ciidanka Itoobiya waxay ku joogaan mid la mid ah qorshe howleedka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, mana ahan ciidammo si iskood ah u jooga Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale, ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nick Kay ayaa ka sheegay Addis Ababa in AMISOM ay u baahan tahay taageero milaterig oo caalami ah si ay howlgalka u billowdo.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sida ugu dhaqso badan ay u hirgelin doonaan deegaannada Al-shabaab laga saaro maamullo hoos imaanaya dowladda Soomaaliya , sidoo kalena ay ka hirgelin doonaan waxyaabaha ay shacabku u baahan u yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya