Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Colaadaha iyo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Soomaaliya ayaa 42,000 oo Somali ah ku qasbay inay nabadgalyo ka raadsadaan dariska ah iyo dalal kale intii lagu jiray sannadkii hore ee 2013-ka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR.
Hay’adda ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaalida ah ay weli u baahan yihiin ilaalo, iyadoo ugu baaqday dhammaan dalalka marti-geliya dadka magan-galyo doonka ah inayan si khasab ah ku celin Soomaalida.
"Waxaan ka codsanaynaa dalalka qoxootiga martigeliya inay mas’uuliyaadka caalamiga ah ee dhowrista xuquuqda aadanaha, waana inaysan si khasab ah ku celin Soomaalida dalalkooda weydiista magangalyada," ayay Fatoumata Lejeune-Kaba oo ah afhayeenka UNHCR ku sheegtay warbixinta.
Sidoo kale, afhayeenaddu waxay hadalkeeda ku dartay: "Soomaalida waa in aan si khasab ah loogu celin Soomaaliya illaa iyo inta dalka wax celinayo uu ku qanco in dadkaas ayan mudan doonin wax dhibaateyn ah."
UNHCR waxay sheegtay in Koonfurta iyo Bartamaha Somalia ay weli yihiin meelo ay khatari ka jirto, iyadoo dilalka billaha ah ee ka dhaca goobahaas ay u dhexeeyaan 100 illaa iyo 600 oo qof. Kismaayo ayay sheegtay hay’addu in lagu dilay 314 qof bishii Juun ee sannadkii hore kaddib markii ay ka dhaceen dagaallo daba-dheeraaday.
"Inagoo tixgelinaynaa inay xaddidan yihiin fursadaha horyaal Soomaalida ku nool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee ay uga badbaadi karaan in loo geysto dhibaatooyin bar-tilmaameedsan ama hagardaamo kaloo wayn ayaan u soo saarnay warbixintan," ayay tiri Fatoumata.
Ugu dambeyn, warbixinta UNHCR waxaa lagu sheegay inay diiwaan-galisay in 33,000 oo Soomaali ah ay si iskood ah ugu labteeen dalkooda Soomaaliya intii u dhexeeysay bilihii Jannaayo iyo November sannadkii 2013-kii, taasoo ay ka digtay suura-galnimada inayan sii waarin.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya