
Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka Somalia ayaa ka bilaawday magaalada Beledweyne ra'yi ururin ku saabsan bahida dhabta ah ee ka jirta gobolka ee u baahan wax ka qabashada iyo sidda ay u kala muhiimsan yihiin oo ay tahay in loo kala hormariyo, iyadoo laga faa'ideysanayo [Mashruuca adeegga maal-gallinta gaarka ah] oo ay waddo wasaarrada maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxa mashruuca Cali Xaaji Aadan sheegay in wasaarrada maaliyada oo ay caawineyso dowladda Norway in mudo lix bilood ah mashaariic kala duwan ka hergalin doonaan qaar ka mid ah gobollada dalka, sidaa daraadeed looga baahan yahay bulshada in ay ka faa'ideystaan, iyagoo ku saleynaya baahiyaha rasmiga ee ka jira deegaannadooda.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ka hadllay kulanka ayaa ugu baaqay bulshada in ay ka faa'ideystaan mashuurcan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga hergaliyo gobolka.

''Mudadii aan mamulka joognay waan sheegnay baahiyaha jira, runtiina dib u dhac weyn ayaa jira, waayo gobolka waxaa uu soo maray dagaallo marar badan oo noq-noqday iyo maamulo is badbadallayay, kuwaa oo sababay in ay meesha ka baxaan goobihii danta-guud, siddaa daraadeed mashruucan wasaarrada maaliyada iyo dowladda Norway iska kaashanayaan waa mid wax weyn ka tari doona dib u soo nooleynta adeegyadii bulshada iyo hagaajinta xarumihii dowladda,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.
Dadkii ka qeyb-gallay barnaamija ra'yi ururinta ayaa intooda badan isku raacay in muhiimada ugu horeysa la siiyo dib u dhis lagu sameeyo marka hore xarumaha dowladda ee bur bursan, kadibna loo gudbo dib u soo nooleynta goobaha danta-guud, waxaana tusaalle loo soo qaatay xarunta maamulka gobolka Hiiraan iyo degmada oo bur bur xoog leh uu ka muuqdo.
Sidoo kale, ra'yi ururinta ayaa waxaa qeyb ka ahaa baahida xilligan loo qabo in la ballaariiyo saldhigyada booliiska, madaama marka la eego baaxada magaalada aysan ku filneyn hal saldhig booliis.
Mashruuca maal-gelinta gaarka ah ee wasaaradda maaliyadda ayaa Beledweyne ka fulinaya mashaariic horumarineed oo ay ku baxeyso ku dhowaad hal milyan oo doollar oo ay ku deeqday dowladda Norway.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya