
Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Shirweynaha maamul u sameynta gobollada Koonfur-Gabeedka Soomaaliya ee ka socday Baydhabo ayaa waxaa maanta is-hortaag ku sameeyay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM, taasoo keentay bannaanbaxyo ay dhigeen shacabka ku nool Baydhabo.
Dadweynaha dhigay bannaanbaxa ayaa gubay taayirrada baabuurta iyagoo sidoo kale sameeyay dhagax-tuur, waxaana rasaas ku jawaabay ciidamada Itoobiya taasoo aan sababin wax khasaare nafeed ah, iyadoo dadweynihii ay jiireen ciidamada xoogna ku galay xarunta ADC-da ee uu shirku ka socday.

Shaqaaqada kaddib ayaa ciidamada AMISOM ee ilaalada ka hayey ADC ay ka guureen halkaas, iyagoo kala baxay dhammaan ciidamadii halkaas ilaalada ka hayay.
Bannaabaxa ay dhigeen dadweynaha ayaa salka ku haya iyagoo si aad ah uga carooday arrinta dhacday ee lagu joojiyay shirkan oo socday muddo hal sano ku dhow.
Warar aaar ayaa sheegaya in amar kasoo baxay Madaxtooyada dowladda federaalka lagu joojiyay shirkaas iyo shirar kale oo kasoo horjeeday shirkan oo ka socday hoteello ku yaalla magaalada Baydhabo.
Hiiraan Online, Baydhabo