Xasan Shiikh: Somalia waxaa ka go’an nabad iyo horumar (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 30, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qayb-galay shirka madaxda Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arimaha dibadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Sheekh Xassan, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llahi Goodax Barre, safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo la taliyeyaal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

“Soomaaliya waa inay shirkan ka gaarto danaheeda gaarka ah ee ku aaddan dhanka amniga. Waxaa farxad u ah shacabka Soomaaliyeed in sannad walba sannadka ka dambeeya uu dalkeenna kasoo baxayo mugdigii uu ku jiray. Waa inaan sii wadnaa dadaalkan ilaa inta aan ka gaarayno Soomaaliya oo nabad ah, isla markaana horumarsan.”

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Isagoo sii hadlaya ayuu madaxweynuhu mar kale yiri: “Walaalahayga Afrika waxaan leeyahay Soomaaliya way ka go’an tahay inay si dhab ah uga gaarto hiigsiga qorshaha 2063. Waxaan rabnaa inay Somalia si dhab ah horumar uga gaarto dhanka amniga, dowlad-wanaagga, cadaaladda iyo horumarka dhaqaalaha.”

Ugu dambeyn, shirkan ayaa wuxuu soo xirmayaa berri oo Jimco ah. Iyadoo madaxweynuhu uu kulammo la qaadan doono madax kala duwan si uu u xoojiyo xiirika Soomaaliya kala dhaxeeyo dalalka kale ee Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya