4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2014
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo la Kulmay Dhiggiisa Kenya


Jimco, Feberaayo 21, 2014 (HOL) —
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda Somalia Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa shalay kula kulmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya dhiggiisa dalkaas, Willy Matunga iyo sarakiil ka socota Qaramada Midoobay.

Ugu horreyn waxay ka wadahalayn labada guddoomiye qodobbo ku saabsan tabbabarkaiyo dib u dhiska garsoorka, iskaashiga ka hortaggan dambiyada caalamiga ah iyo kuwa heer gobolba sida burcadbadeedda, is-daba-marinta lacagaha iyo argagixisada.

Labada dowladood oo isaga mid ah madaxbanaannida garsoorka sida lagu qeexay labada dastuur ee Soomaaliya iyo Kenya.

sidoo kale Avv. Ilka-xanaf ayaa kulammo kula qaatay Kenya hay'ado ka socday Qaramada Midoobay oo ay ka mid yihiin: UNDP, IDLO iyo saraakiil ka socda safarada UK.

Kulamadaas ayaa iyagana lagaga hadlay qodobbada kala ah: Dib u dhiska maxkamadaha dalka, tababaridda iyo tayeynta aqoonta garsoorayaasha iyo in la jogteeyo tababarrada shaqaalaha garsoorka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya