4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2014
Waxgaradka Buuhodle oo sheegay in lasoo afjaray colaad taagnayd

Jimco, Feberaayo 21, 2014 (HOL) — Shir nabadeed u dhexeeyay beelaha gobolka Cayn iyo Bariga Burco oo dhawaan shaqaaqooyin ku dhexmareen deegaanka Kalshaale ayaa lagu soo afjaray tuulada Coodanle oo ka tirsan gobolka Togdheer sida ay madax-dhaqmeedyada degmada Buuhoodle ay sheegeen shalay oo Khamiis ahayd.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen isimmo, cuqaal, culummo, ganacsato iyo wax-garad ka kala socda labada dhinac ayaa laga soo saaray afar qodob oo nabadda lagu xoojinayo, iyadoo dhinackasta laga dhaariyay 21 xubnood si nabada loo adkeeyo.

Caaqil Cabdisamad Cali Xasan oo saxaafadda uga war bixiyay ayaa sheegay in la isla qaatay afar qodob oo kala ahaa: Xabad joojin, 21 xubnood oo la dhaariy, Shir la isugu yimaado 20-ka bisha Abriil ee sannadkan iyo in la sameeyo wacyigelin dhinaca ammaanka ah.

Waxa kaloo caaqilku sheegay in labada beelood ee deegaanku ka dhexeeyo colaado soo jiitamayay in ka badan saddex sano ay maanta keligood ku dhameysteen inay heshiiyaan iyagoo cuqaal, madax-dhaqameed iyo wax-garad ka koobnaa kana madax-banaanaa wax maamul ah.

Madaxdhaqameedka halkaasi joogay oo guddoonka lahaa ayuu caaqilku sheegay inay kala ahaayeen: Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe, Suldaan Maxamuud Guuleed, Garaad Saleebaan Bullaale iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen.

Sidoo kale, Caaqil Cali Cabdi oo ku hadlayay magaca madaxda dhaqanka iyo cuqaasha ayaa ku dhaawaaqay in laga billaabo maanta (Arbacadii) beelaha colaaddu sannadaha badan dhex-taalay ay yihiin nabad ciddii garab martana wuxuu ku hanjabay inay keligeed qaadayso.

Qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka degmada Buuhoodle iyo qurbajoogta oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay tallaabadan nabadeed oo ahayd mid dhawr jeer lagu guul-dareystay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool