4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2014
Faahfaahinta Khasaarihii ka dhashay Weerarkii Madaxtooyada dalka


Jimco, Feberaayo 21, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 11-qof oo kooxihii weerarka qaaday iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku jiraan ayaa ku dhintay weerarro isugu jiray ismiidaamin iyo kuwo toos ah oo Al-shabaab ay ku qaadday maanta madaxtooyada Somalia, iyadoo 20-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa ka mid ah: agaasimihii guud ee xafiiska ra’iil wasaaraha Soomaaliya, Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indha-case) kana mid ahaa Soomaalida Canada ku noolayd muddada dheer si weynna looga yaqaan dalkaas, Jen. Nuur Shirbow oo ahaa taliye ku xigeenka hay’adda nabadsugidda.

Sidoo kale, waxaa ka mid ah dadka dhintay sideed ruux oo ka mid ah kuwii weerarka qaaday, kuwaasoo maydadkooda lagu soo bandhigay dibadda xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxayna xirnaayeen direyska ciidamada nabadsugidda Qaranka.

Waxaa kaloo dhintay askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada, iyadoo dadka ku dhaawacmay weerarkan ay ku jiraan wariyeyaal ka shaqeynayay qaar ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho.

Kooxaha weerarka qaaday oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa gudaha u galay madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo muddo kooban haystay masjid ku yaalla gudaha madaxtooyada, halkasoo ay ku tukanayeen mas’uuliyiinta dowladda qaarkood.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay Al-shabaab ku la beegsato xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo aad loo ilaaliyo ayna ku shaqeeyaan madaxda dowladda.

Maydadka kooxaha weerarka ku qaaday madaxtooyada ayaa waxaa jirkooda ka muuqday dhaawacyo waaweyn, qaarkoodna waxay ka gubteen qaybaha sare ee jirka.

Wasiirka amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay weerarkan ayaa ku sheegay mid ay Al-shabaab ku qal-qalgelinaysay madaxtooyada; balse ay ka hortageen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka haya xarunta madaxtooyada.

Dhawaanahan ayay kooxda Al-shabaab ku goodinaysay inay beegsanayso xarumaha dowladda Soomaaliya iyo kuwa ciidamada AMISOM ay Muqdisho ku leeyihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya