4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2014
Khuburo baaraysa Xasuuqii Somaliland oo helay Xabaalo (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 21, 2014 (HOL) — Khuburo baadhaysa xasuuqii uu geystay nidaamkii hore ee Siyaad Bare, ayaa ka soo saaray god ay ku aasan yihiin lix qof oo hal goob ku wada jira, iyadoo horana ay laba god uga soo saareen 38 qof oo hal mar lagu wada aasay.

Khuburadan oo si taxadar badan u baadhaya lafaha dadka sida arxandarada ah loogu aasay goob kaliya, isla markaana laga soo saaray lafihii iyo dharkii ay xidhnaayeen ayaa sheegay inay wali wadaan baadhitaankii, isla markaana godkan ka soo saareen lix qof oo dharkii ay xidhnaayeen iyo qalfoofkoodiiba laga soo saaray.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay in goobtan ay ku jiraan dad laga soo ururiyey miyiga Gabiley iyo Arabsiyo, waxaanay taasi sii cadeeyey dharkii ay xidhnaayeen oo ahaa Macamiso ilaa hadda Lafahoodda huwan yihiin, wallow dharkii qaar madheen.

Khuburada ayaa aad u kala shaandhaynaya camuuda iyo lafaha, isla markaana laf waliba ku xidhaya halka ay qofka kaga xidhnayd, isla markaana baadhaya nooca rasaasta ku dhacday yo qaabka loo dilay.

Khabiirkan watay xasuuq baadhayaasha ayaa sheegay in rasaasta ku dhacday iskugu jiraan noocyadda kala duwan ee hubabka, isla markaana ay godadka ka muuqdaan ilkihii cagafyada lagu aasay, iyadoo hal god la iskugu riday dad faro badan, inkasto wali ku gudda jiraan xaqiijinta xasuuqaasi, isla markaana habeenkii ku baadhaan shaybaadhka marka ay maalintii soo saaraan lafaha.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ururka ay ka socdaan khuburadan ayaa heshiish la galay Somaliland muddo shan sanadood baadhi doonaan goobaha ay ku aasan yihiin dadka la xasuuqay oo la filayo inay Hargeysa ka jiraan laba boqol oo xabaaro wadareed oo dad shacab ah lagu laayey, kuwaaas oo cadayn doona in xusuuq dhacay iyo in kale, maadaama ay yihiin khuburo ka marag kaca goobaha xasuuqu ka dhaco, kuwaas oo u dhexeeya dadka loo tirinayo inay geysteen iyo kuwo loo geystaba.

Sidoo kale, waxa iyaguna ka faa’iidaysanaya baadhitaankan ardayda caafimaad ee jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo labadii sanadood ee baadhitaankan wadeen la shaqaynayey, isla markaana  aqoon badan ka korodhsadeen, kuwaas oo mustaqbalka goobaha kale ee aanay gaadhin baadhitaan ku samayn doonna.

Waxaa iyaguna khuburada ku jira arday barata cilmigan lafaha iyo xasuuqyada caalamka ka dhacay, kuwaas oo si weyn uga faa’iidaysanaya qaababka loo baadho lafaha iyo xasuuqyadaba.

Illaa hadda waxa la soo saaray 44 qaf maydadkooda, kuwaas oo ku aasnaa goobo aan munaasib ku ahayn in lagu aaso, isla markaana xaafado ag degan yihiin, waxaana loo iibiyey dhul u gaar ah oo lagu aaso, isla markaana la doonayo in loo sameeyo aas qaran iyo xabaalo u gaar ah.

Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Somaliand ayaa sheegtay in loo baahan yahay in goobo ku munaasib ah lagu aaso maydadkan aan markii horre nasiibka u helin in sidii shareecado dhigayso loo aaso, isla markaana is dul saarnaayeen, waxaana qof walba loo samaynayaa xabaal u gaar ah, iyadoo loo aasi doono sida shareecadu ogoshahay in loo aaso iyo in la karaameeyo Maydadka oo aan dariiqyada lagu aasin, isla markaana qof waliba lafihiisa gaar loo aaso, maadaama oo ay iskugu jiraan rag iyo dumar aanay shareecadu ogolayn in hal god lagu wada aaso.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland