4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2014
JEN. DAAHIR: Dadaal ayaan ugu jirnaa dib u dhiska ciidanka xoogga


Jimco, Feberaayo 21, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidamada xooggaa dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) ayaa sheegay in dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya uu muddo dheer qaadanayo, isagoo xusay inay ku howlan yihiin dib u dhiska ciidanka.

Jen. Indho-Qarshe ayaa sheegay in ciidamada xoogga burbureen xilligii uu dalku galay dagaallada sokeeye, balse ay isku dayayaan inay dib u dhisaan, taasoo uu sheegay inay waqti iyo dadaal dheeraad ah u baahan tahay.

“Dib u dhiska ciidamada xoogga wax weyn ayaa nooga qabsoomay, inkastoo aan weli ka gaarin meeshii la rabay oo ah in ciiidanka dhinac walba laga dhameystiro, sida qalabka, tirada iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri Jeneraalka.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay inay haysatan qalab wanaagsan, balse uusan ahayn mid dhameystiran, howlaheennase waan ku billaabi karnaa, waxaan u baahannahay buu yiri: Kaarayaal, diyaarado dagaal, maraakiib iyo kale oo loogu talay ciidamada, isagoo rajo ka muujiyay inay heli doonaan.

“Taageerada aan helno way badan tahay, inkastoo wali ay taagan tahay baahideenna. Waxaanu helnaa taageero mushaaraadka ciidanka ah mid dhinaca hubka ah iyo mid tabbabar. Waddamada na taageera waxaa ka mid ah kuwa Midowga Afrika oo ciidamadiisa nala joogaan, Mareykanka, Turkiga, Midowga Yurub iyo dalal kale oo Soomaaliya saaxiib la ah,” ayuu mar kale yiri Jen. Daahir oo ka hadlayay dalalka taaageerada ay ka helaan.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in inay dhawaan ku guuleysteen in markii ugu horreysay ay gudaha dalka ku tababbaraan ciidammo Soomaali ah kuwaasoo macallimiin Soomaali ah ay tababar siiyeen. Waxaanu diyaarinnay ciidammo kale oo Komaandoos ah oo tababarkoodu uu hadda ka socdo xerada Jasiira.

“Waxaan rajaynayaa inaan sii wadno kor u qaadidda aqoonta iyo tayyenta ciidamada Soomaaliya illaa aannu ka gaarno meeshii ugu sarreysay. Waxaa intaa noo dheer, ballan-qaadka aannu ka haysanno madaxda sare ee dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Mar la weydiiyay sida ay u arakaan howlgallada nabad soo celinta ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka dhanka ah Al-shabaab ayuu ku jawaabay: “Ciidanka Soomaaliya oo garabsanaya AMISOM waxay goobo badan oo dalka ka mid ah ka saareen Al-shabaab. Illaa haddana waa uu socdaa dagaalkaas mana joogsan doono illaa cadowga la tir-tiro. Nasiib-darro ayaan u arkaa in qof Soomaali ah uu cadow ku noqodo dalkiisa. Weli kuma fikirin inaan dad Soomaali ah aanu la dagaalanno.”

Ugu dambeyn, Jen. Indho-Qarsho oo wareysi siinayay Sabahi Online ayaa sheegay in dowladda ay u qorsheysan tahay inay Al-shabaab ka saarto meel walba oo dalka ka tirsan inta lagu jiro sannadkan 2014-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya