4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2014
Wasiirka Amniga oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada


Jimco, Feberaayo 21, 2014 (HOL) —Wasiirka amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Guuleed ayaa intaas ku daray in kooxihii weeraray madaxtooyada qaarkood la dilay kuwa kalena la qabtay ayna dowladdu gacanta ku hayso isagoo aan sheegin tirada ay qabteen.

Xilliga weeraradan ay dhacayeen ayaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxay ku tukanayeen salaadda Jimcaha masaajid ku yaalla gudaha madaxtooyada.

Hase ahaatee, waxaa la xaqiijiyay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu badqabo; balse ay jiraan saraakiil dowladda ka tirsan oo weerarkan lagu dilay.

Wasiirka ammaanka Qaranka C/kariin Guuleed ma sheegin khasaaraha nafeed ee weerarkan oo ahaa mid aad u xooggan ka dhashay, wuxuuse sheegay in Al-shabaab ay ku fashilantay weerar ay damacsanaayeen inay ku argagaxiyaan madaxtooyada.

"Al-shabaab way ku fashilmeen weerarka, waxaana kooxihii weerarka soo qaaday ay noqdeen kuwo dhintay iyo gacanta lagu dhisay," ayuu yiri wasiirka oo shacabka ugu baaqay inay is-dajiyaan xalaadduna ay hadda daggan tahay.

Ma jirto cid weli cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaan, balse Al-shabaab ayaa looga bartay weerarrada noocan oo kale ah inay ka fuliyaan Muqdisho oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya