4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2014
Al-shabaab oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkii Madaxtooyada

Jimco, Feberaayo 21, 2014 (HOL) —Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ciidamadeeda gaarka ah fuliyeen weerarkii maanta oo Jimco ah lagu qaaday madaxtooyada Sooomaaliya ee Muqdisho.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Msucab ayaa sheegay in xoogaggood ay u galeen gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayna muddo halkaas kula dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Ciidamadeenna gaarka ah waxay maanta weerareen meesha loogu yeero madaxtooyada Soomaaliya, waxayna ku dileen xubno sare oo dowladda ka tirsan,” ayuu warbaahinta u sheegay Abuu-Muscab.

Dhanka kale, ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dajire Nicholas Kay ayaa isaguna sheegay in weerarka lagu qaaday xarunta madaxtooyada uu fashilmay.

“Weerarku wuxuu sababay dhimasho, si adaga ayaan u cambaareynayaan falkaas argagaxisonimo,” ayuu yiri Kay oo sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu caafimaad oo aysan waxba gaarin.

Sidoo kale, wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo isaguna hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku fashilantay weerarkan madaxtooyada, kooxihii weerarka soo qaadayna laga dhigay kuwo la qabto iyo kuwo la dilay, inkastoo uusan tiradooda sheegin.

Sheekh Abuu-Muscab ma sheegin in xoogaggoodii weeraray madaxtooyada ay dhinteen iyo in kale, wuxuuse sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay weerarro ay ku beegsanayaan xarumaha dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer hore weerarro noocan oo kale ah ka fulisay Muqdisho, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo ay la beegsato xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya