Xildhibaanada Baarlamaanka oo Ansixiyay Sharciga Xuduudaha & Federaalka


Axad, December 21, 2014 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta ku ansixiyay kulan ay Muqdisho ku yeesheen sharciga guddiga xuduudaha & federaalka oo ay ka doodayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixin ku saabsan dilal xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia loo geystay, taasoo uu kualnka kasoo jeediyay taliyaha ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka, Jen. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare.

Sharcigan la meel-mariyay ayaa waxaa baarlamaanka u soo gudbisay wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, iyadoo ay kulankii goobjoog ka ahaayeen 145 xildhibaan, kuwaasoo codka u qaaday sharcigan.

“Hidise sharciyeedkan waxaa ogolaatay 129 mudane, halka 13 xildhibaan ay diideen, hal mudanena wuu aamusay, sidaa daraadeed sharcigan maanta laga billlaabo waa mid ansax ah,” ayuu yiri guddoomiye codeynta kaddib goobta ka sheegay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Mahad C/lla Cawad oo kulanka shir-guddoominayay.

C/llaahi Goodax Barre oo ah sii-hayaha xilka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa codeynta kaddib la hadlay xildhibaannada, isagoo uga mahadceliyay xildhibaannada ansixiyay hindise sharciyeedkan, wuxuuna u jeediyay ammaan shaqaalihii soo diyaariyay sharcigan.

Dhanka kale, waxaa warbixin ay xildhibaannadu ka dhageysteen taliyaha nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka, Jen. Tuur-yare oo ah taliyaha nabadsugidda Qaranka, isagoo sheegay inay unugyo ka tirsan Al-shabaab oo ka dambeeyay dilalka xildhibaannada ay burburiyeen.

“Waxaan burburinnay laba shabakadood oo Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo ay ka howlgeli jireen 11-ruux oo sideed ka mid ah aan gacanta ku hayno, sadexdii kalena way baxsadeen,” ayuu yiri Jen. Tuur-yare.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo taliyaha sirdoonka uu ka hor-jeediyo baarlamaanka Soomaaliya inay burburiyeen shabakado uu sheegay inay ka dambeeyeen dilalka xildhibaannada, iyadoo la xusuusto in lagu dilay sannadkan oo keliya Muqdisho tiro xildhibaanno ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya