Axad, December 21, 2014 (HOL) — Culummada gobolka Sool ayaa baaqyo nabadeed kasoo saaray xiisado colaadeed oo ka taagan deegaanno ka tirsan gobollada Sanaag iyo Sool.
Culummada ayaa bulshada ugu baaqay in xiisadahan oo qaarkood sanado badan soo noqnoqdeen lasoo afjaro, waxaanay xuseen hadaan taa la yeelin cawaaqib xumada ba’an ay reebi doonto.
Sheekh Siciid Axmed Cadar oo ku hadlayay afka culummada ayaa isagoo ku sugan degmada Taleex ee gobolka Sool sheegay in dadaal badan loogu jiro sidii loo soo afjari lahaa colaadaha beelaha wada-dega Taleex, waxaanu ka codsaday muslimiinta inay gacan ka geystaan, wixii aan gacan ka geysan karinna ay ducada ku kaalmeeyaan.
“Waxaan beelaha colaadu ku dhexmarayso galbeedka degmada Laascaanood ugu baaqaynaa inay u dhego nuglaadaan dadka ku dhex-jira ee wanaagooda ka talinaya,” ayuu yiri Sheekh Siciid, wuxuuna intaas ku daray in dadka isku xil-qaamay hawshaas ay si cadaalad ah wax ku xaq-sooraan.
Sidoo kale, Sheekh Siciid ayaa baaq kaas la mid ah u diray beelo duleedka Ceeri-gaabo ee gobolka Sanaag oo ay u dhexeeyaan xiisado dhul dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay, isagoo ka codsaday inaanay marnaba illoowin walaaltinimadoodii.
Ugu dambeyn, culummada gobolka Sool ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa sidii ay gacan uga geysan lahaayeen amni-darrada ku timid qaar ka mid ah deegaannada gobolladan Sanaag iyo Sool.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool