Dowladda Cuba oo Aqbashay Casuumaad ay u fidisay Dowladda Mareykanka


Axad, December 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Cuba, Raul Castro ayaa sheegaya in uu aqbalay casuumaada shirka Mareykanka ee bisha Abriil ee sannadka soo socoda lagu qabanayo Panama.

Tani waxay noqoneysaa markii ugu horreysay oo si fool-ka-fool ah ay isku soo hor-fariis-taan madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama iyo kan Cuba Raul Castro tani iyo markii labada dal ay isku raaceen inay dib u billaabaan xiriirkoodii siyaasadeed ee toddobaadkan billowgiisii.

Hadalkan ayuu madaxweyne Castro kaga dhawaaqay xarunta baarlamaanka dalka Cuba ee Havana; isagoo shaaciyay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay dib u soo celinta cilaaqaadka labadan muddo nus-qarni ka badan.

Sidoo kale, Raul Castro ayaa sheegay inay furan tahay ka doodista arrimo badan, laakiinse Cuba ayuu tilmaamay inaysan ka tanaasuli doonin hadafkeeda hanti-wadaagga ah oo ay ku dhaqmaysay muddo nus-qarni ka badan.

Madaxweyne Barack Obama ayaa weli doonaya in golaha Congress-ka ee ay maamulaan Jamhuuriyiinta ay dalka Cuba ka qaadaan xayiraadda 10-ka sano ah ee ka saaran dhanka ganacsiga.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Cuba, Raul Castro ayaa xusay in Cuba ay dhibaatooyin fara badan soo martay muddaddii ay xayiraadda saarnayd xayiraadda dhinaca ganacsiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha dalka Mareykanka Obama ayaa kaga dhawaaqay Washington horraantii todobaadkan inuu go’aansaday inuu dib u soo celiyo xiriirkii kala dhexeeyay Cuba.

Obama ayaa sheegay in dalkiisu uu dib u furanayo safaaraddii uu dalka Cuba ku lahaa, taasoo xirnayd muddo nus-qarni ah, waxaana go’aankan si weyn u soo dhaweeyay madaxweynaha dalka Cuba Raul Castro oo ku tilmamaay in uu yahay mid yididdiilo leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya