Axad, December 21, 2014 (HOL) —Qarax ayaa goor dhow magaalada Gaalkacayo lagula beegsaday gaari uu watey guddoomiye ku-xigeenka koowaad gobolka Mudug ee maamulka Puntland Farxaan Cali Xirsi.Miino nooca gawaarida lagu xiro ah oo horay gaariga guddoomiyaha loogu sii rakibay ayaa lagu soo waramayaa inay ku qaraxday xilli uu marayey agagaarka saldhigga dhexe ee booliska degmada.
Hal qof ayaa sida dad goob joogeyaal ahi HOL u xaqiijiyeen qaraxa ku geeriyoodey kaasoo ahaa askari ka tirsan ilaalada guddoomiye ku xigeenka, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay guddoomiye Xirsi iyo qof oo kale.
Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya xaaladda guddoomiyaha, wararka qaar ayaa sheegay in Farxaan Cali Xirsi dhaawac fudud qabo halka qaar kalena sheegayaan in xaaladiisa caafimaad halis ku jirto.
Ma ahan markii ugu horeysey ee qarax lala beegsado mas'uul ka tirsan maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo.
Ammaanka magaalada Gaalkacayo ayaa aad u wanaagsanaa labadii sano ee ugu dambeeyey marka loo barbar dhigo sidii ay ahayd intii u dhexeysey sanadihii 2009-2012.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya