Axad, December 21, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay Al-Shabaab ka tirsanaayeen ayaa gelinkii dambe ee shalay weerar ahaa mid qorsheysan ku qaaday gaari ay la socdeen dadweyne, kaasoo marayay duleedka Lamu oo ku taalla xeebta Kenya.
Gaariga ayaa waxaa la socday 50-qof, kuwaasoo ka yimid Mombasa kuna sii jeeday deegaanka Lamu oo illaa 100-km u jira soohdinta u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya.
Dableydan ayaa gaariga rasaas kaga furay taayarada, kaddibna shacabkii saarnaa ku amaray inay soo dagaan, hase ahaatee dhamaan dadkii saarnaa ayaa towxiidka afka ku qabtay, isla markaana akhriyay aayado Qu’raanka ka mid ah, taasoo keentay inay dableydu sii dayso dadkii oo dhan.
Ruux ka mid ahaa rakaabkii gaariga la socday oo lagu magacaabo, Abarufa Kokane ayaa sheegay in dadweynihii gaariga la socday ay muslim noqdeen, markii ay ashahaadka ku qayliyeen, si ay u badbaadaan.
“Waxaan u qaadanay inay ahayd maalintii dunida noogu dambeysay… dadka intooda badan waxay ahaayeen muslimiin, waxay ku qayliyeen Towxiidka iyo Aayado Qur’aan, taasoo keentay in kooxdii hubeysnaa ay u qaataan dadkoo dhan inay muslimiin yihiin,” ayuu yiri Kokane oo rakaabka ka mid ahaa balse aan muslim ahayn.
Guddoomiye ku xigeenka Lamu, Fredrick Ndambuki ayaa isaguna saxaafada u sheegay inay baadi-goob ku hayaan kooxihii hubeysnaa ee ka dambeeyay falkii shalay ka dhacay deegaanka Witu oo 50-km u jira Lamu.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo bishii hore ay Al-Shabaab ku dileen dad aan muslim ahayn meel ku dhow degmada Mandheera ee gobolka W/Bari Kenya, kuwaasoo ay ku jireen 28-qof oo bas rakaab la socday.
Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ay dalka Kenya ka geysanayso, iyadoo madaxweynaha dalkaas uu maalin ka hor qalinka ku duugay sharci cusub oo lagu adkeynayo amniga dalkaas, inkastoo muslimiinta iyo mucaaradka ay sheegeen inay kasoo horjeedaan sharcigaas.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya