
Axad, December 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kaddib muddo toddobaad ku dhow oo ku maqnaa safar uu ku tagay Addis Ababa xarunta dalka Itoobiya.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey, guddoomiyaha barlamaanka, Siciid Xasan, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo dadka Garoowe ayaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha markii uu kasoo dagay garoonka.
“Aad baan ugu faraxsanahay in dalka aan dib ugu soo laabto weliba isagoo nabad ah , muddo asbuuc ah ayaan dalka Itoobiya ku maqnaa gaar ahaan Adis-ababa oo aan u aaday safar shaqo oo la xiriira dhanka nabad-gelyada iyo ganacsiga howshaasina si fiican ayey noogu soo dhammaatay,’’ ayuu yiri C/wali Gaas oo shir ku qabtay madaxtooyada.
Waxaa kaloo uu madaxweynaha Puntland sheegay in la dar-dar-galin doono heshiiskii ay horay u wada galeen maamulkiisa iyo xukuumadda Itoobiya oo ahaa mid ganacsi, iyadoo wasiirka warfaafinta Puntland uu hadda ku sugan-yahay magaalada Jig-jiga.
“Iskaashiga nabad-gelyada labada dhinac ayaa iyana meel aad u wanaagsan maraya, waana iska kaashanaynaa cadowga midka ah ee aanu leennahay,” ayuu mar kale yiri C/weli Gaas oo xusay in fursado maalgashi ay Puntland u soo heleen.
Ugu danbayn, madaxweynaha Puntland ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa la kulmay masuuliyiin ka socday maamulka KMG ah ee Jubba iyo xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]