Kooxda Real Madrid oo ku guuleysatay koobka kooxaha Dunida ee Sanadkan


Axad, December 21, 2014 (HOL) — Kooxda Real Madrid oo ka dhisan dalka Spain ayaa ku guulaysatay koobkii afraad ee sannadkan 2014-ka, kaddib markii ay ka badisay kooxda San Lorenzo ee dalka Argentina oo matalaysay Laatiin Ameerika, kama dambeysta koobka Adduunka ee kooxaha ee lagu qabtay dalka Marooko.

Kooxda ayaa horay sanadkan ugu guulaysatay koobka horyaalada Yurub, Koobka Copa del Rey iyo koobka Super Cup-ka ee lagu daah-furo ciyaaraha horyaalada Qaaradda Yurub.

Sergio Ramos ayaa goolka koobaad madaxa ugu dhaliyay kooxdiisa. Goolka kalana waxaa uu ku yimid khalad uu galay golhayaha kooxda San Lorenzo, kaasoo uu ka faa’iidaystay Gareth Bale, goolna uu u badelay.

Naadiga Real Madrid ayaanan la hakin muddo dheer waxa ayna sii dheeraysay rikoorkii ay u dhigtay Spain iyadoo haatan badisay 22 kulan oo isku xiga oo ah guud ahaan ciyaarihii ay dheeshay.

Kooxdan ayaa koobkan horay ugu guulaysatay saddex jeer oo hore, markaasi oo koobkaan loo yaqaanay the Intercontinental Cup.

Tababaraha kooxda Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa daaha ka qaaday inuu doonayo inuu gacanta ku soo dhigo koob kale kaddib markii uu garoonka soo wada galiyay ciyaaryahanada Cristiano Ronaldo, Gareth Bale, James Rodriguez iyo Karim Benzema.

Xilli sii horreyayna kooxda Auckland City oo ka socotay waddanka New Zealand ayaa ku guulaysatay kaalinta saddexaad kaddib markii ay gool ku laad kaga adkaatay kooxda Cruz Azul ee waddanka Mexico, ciyaarta labada kooxood ayaa ku soo dhamaatay 1-1.

Xigasho; BBC Somali