4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2013
Bam-gacmeed Khasaare geystay oo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagu eegtay Bartamaha Magaalada Baydhabo

Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Bartamaha magaalada Baydhabo gar ahaan agagaarka Hotel Bay ayaa ciidamo ka tirsan kuwa AMSIOM oo ku sugnaa waxaa lagu eegtay maanta bam-gacmeed, iyadoo qaar ka tirsan ciidamada AMSIOM iyo dad shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira nin waalan oo aad loo yaqaan magaalada Baydhabo oo la yiraahdo, Cayduruus waa afuufaa) iyadoo la sheegay inuu dhaawiciisu aad u daran yahay, laakiin ciidamada AMISOM oo bambka lagu tuuray lama oga khasaaraha soo gaaray, sababtoo ah isla goobtii qaraxu ka dhacay ayay xireen, dhaawacoodana way qaateen.

Goobta uu qarax ka dhacay waxaa lagu qab-qabtay dad shacab ay ku jirtay qof haweeney ah oo halkaas ku sugnayd, dadkaas lagu qabtay meesha uu qarax ka dhacay waxay gaarayaan 12 qof oo u badan dhallinyaro.

Ciidamada Al-shabaab ayaa dagaaladooda waxay yihiin kuwa joogta ah oo ay la beegsanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo dhowr qarax ay toddobaadkan oo keliya ka dhaceen Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliya ee ay ka howlgalaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaaso kala wareegay ciidamadii Itoobiya saldhigyadii ay kaga sugnaayeen Baydhabo iyo duleedyadeeda.

Hiiraan Online, Baydhabo