4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2013
Kulan loogu Gogol-xaarayay dhismaha hogaan ay yeeshaan Soomaalida ku nool Kenya oo lagu Qabtay Nairobi (SAWIRRO)

IMG_0017.jpg

Axad, June 09, 2013 (HOL) - Kulan ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada  oo lagu lafa gurayay sidii hogaan midaysan loogu samayn lahaa jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Kenya ayaa lagu qabtay hotelka Nomad ee xaafada Islii.

Ujeedada kulanka ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga wada tashanayo sidii hogaan midaysan ay u dooran lahaayeen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, kuwaasoo lagu qiyaaso inay ka badanyihiin hal milyan.

Xassan Craxmaan Xusseen Qoordheere oo isagu kulanka wadatashiga soo qabanqaabiyay ayaa tilmaamay in baahi wayn loo qabo in la helo hogaan midaysan oo ay yeelato Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya.

“Muddo dheer ayaynu dalkan daganayn, mana lihin hogaan midaysan oo lagala xiriiro danaha ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya” ayuu yiri Xassan.

IMG_0028.jpg

Waxaa kale oo uu sheegay in wakhtigan ay muhiim tahay in la helo cid matasha jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, kuwaasoo dhibaatooyin kala duwani ay ku haystaan waddankan.

Axmed haadi urur  oo kamid ah dhalinyaradii wax kasoo agaasimay shirka wadatashiga ayaa sheegay inay sameeyeen cilmi baaris ku aadan baahida loo qabo helitaanka hogaan jaaliyadeed si buu yiri loo maareeyo isfahamka bulshada Soomaaliyeed iyo dawlada Kenya oo labaduba ay ka dhexayso dan guud.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya oo kulankaasi ka qaybgalay ayaa isna dhankiisa sheegay in loo baahanyahay in Soomaalid ku dhaqan dalka Kenya ay isu yimaadaan oo doortaan hogaan ay raali ka wada yihiin.

Waxaana uu ku baaqay in guddi arrintaas loo saaro si ay u diyaariyaan qaabkii loo qaban lahaa doorashada isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay dhalinyaradii soo qabanqaabisay kulankaas oo ugu horreeyo Xassan C/raxmaan Qoordheere oo uu sheegay inuu iskiis isu xilqaamay.

Shukri Maxamuud Afrax oo kamid ahayd dadkii goobtaas ka hadlay ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay in Soomaalida ku dhaqan Kenya aysan lahayn hogaan jaaliyadeed taasoo ay sheegtay inay tahay mid dib u dhac ku keeni karta horumarka ummada.

Soomaalida ku dhaqan Kenya ayaa horay u lahaa oo kaliya guddi ganacsi oo ka shaqeeya danaha ganacsatada, balse ilaa iyo hadda ma jiro hogaan jaaliyadeed oo si guud uga dhexeeya, marka laga reebo ururo jaaliyadeed oo ku magacaaban maamullada kala duwan ee ka jira Jamhuuriyadda Soomaaliya.

M1440034.jpg
M1440027.jpg
M1440009.jpg
M1440047.jpg
M1440050.jpg
M1440065.jpg
M1440076.jpg
M1440083.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya