4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2013
Qaraxyo ay ku dhaawacmeen toban ruux oo caawa siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi

Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo kala duwan oo caawa ka kala dhacay magaalada magaalada Mombasa iyo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska Kenya.

Sarkaalka ugu sarreeya booliiska Mombasa, Aggrey Adoli ayaa sheegay in laba qof oo mooto wata ay bam-gacmeed ku tuureen kaniisada ku taalla xaafadda Likoni ee magaalada Mombasa xilli ay ku jireen dad badan oo cibaadeysanayay.

“Qarax ayaa ka dhacay caawa fiidkii kaniisad ku taalla xaafadda Likoni ee Mombasa, waxaana ku dhaawacmay lix qof, waxaana dhammaantood loo qaaday isbitaalka si loo daweeyo,” ayuu yiri Adoli oo aan bixin faahfaahin intaas ka badan.

Booliiska ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay qaraxan ay ku jireen ilmo yar iyo wadaad masiixi ah, iyagoo intaas ku daray in bamka uu ku dhacay gudaha kaniisada kaddibna uu la maqlay qarax aad u weyn.

Goobjoogayaa ayaa sheegay in inay arkayeen laba nin oo mooto wata oo bambaanada ku tuuraya kaniisada, ayna markiiba u baxsadeen dhinaca Koonfureed ee magaalada oo ay daggan yihiin dadka saboolka ah.

Dhanka kale, taliyaha booliiska magaalada Nairobi, Benson Kibue ayaa sheegay in saddex qof ay ku dhaawacmeen bambaano lagu tuuray caawa deegaanka Majengo oo ku taalla xaafadda ay Soomaalidu deggen tahay ee Islii (Eastleigh).

"Bam-gacmeed caawa lagu tuuray deegaanka Majengo ee xaafadda Islii waxayna kasoo gaareen dhaawacyo saddex qof," ayuu yiri Kibue oo shheegay in kooxihii weerarka geystay ay markiibta goobta ka baxsadeen.

Ma jirto weli cid ay ciidamada booliiska Kenya ku eedeeyeen qaraxyadii kala duwanaa ee caawa ka dhacay magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi, balse booliiska Kenya ayaa dhowr jeer oo hore qaraxyada ka dhaca gudaha Kenya ku eedeeyay inay ka dambeyso xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan dalka Kenya.

Inkastoo aysan jirin cid weli sheegatay inay ka dambeysay weerarradan ayaa haddana waxay qayb ka noqonayaan weerarro ay Kenya la kulmaysay tan iyo sannadkii 2011 oo ay Kenya ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya