4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2013
Madaxweynihii Hore ee Koonfur Afrika Mandela oo la dhigay Isbitaal si looga daweeyo caabuq kaga dhacay Sambabada

Mandelaap12z.jpg
Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo 94-jir ah ayaa la dhigay isbitaal u yaalla magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrka, si looga daweeyo caabuq ama infakshan kaga dhacay sambabada.

Dhakhaatiirta daweynaya Mandela ayaa sheegay in xalaaddiisa caafimaad ay aad u culus tahay inkastoo uu neefsanayo iyadoo aan la caawinayn, waana markii afaraad oo isbitaal la dhigao muddo lix bilood gudahood ah.

Xaaska Mandela, Craca Mechel ayaa joojisay ka qaybgalka shir caalami ah oo looga hadlayo gaajada iyo macluusha oo ka socda magaalada London ee xarunta dalka Britain si ay ula socoto xalaadda saygeeda oo xaalad xun ku jira.

“Waxaan doonaynaa inaan shacabka Koonfur Afrika la socodsiinno in xaalka Mandela uu daran yahay, balse ay ogaadaan in dhowr jeer uu ka bogsaday xaalado caafimaad oo khatar ah, waana inaad u soo duceysaan si uu u helo caafimaad deg-deg ah,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Koonfur Afrika, Mac Maharaj.

Taageerayaasha xisbiga ANC ee maamula dalka Koonfur Afrika oo uu muddo dheer hoggaamiye ka ahaa Mandela ayaa sheegsay inay rajeynayaan inuu ka bogsan doono hoggaamiyahoodii hore xanuunkan caabuqa ah ee kaga dhacay sambabada.

“Ducooyin badan ayaan u diraynaa Mandela iyo qoyskiisa, dadka Koonfur Afrika ku nool iyo dadka kale ee calaamka oo dhanna waxaan ka dalbaynaa in sidaas oo kale ay ducooyinka ugu soo diraan si uu u bogsado Mandela oo ah nin aad looga jecel yahay dunida oo dhan,” ayaa lagu yiri warbixin uu soo saaray xisbiga ANC.

Bishii Abriil ee sannadkan 2013 ayay ahayd markii Mandela la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Johannesburg halkaasoo ay ku booqdeen Jacob Zuma oo ah madaxwenaha Koonfur Afrika iyo xubno ka tirsan xisbiga ANC ee dalka xukuma.

“Nelson Mandela waa aabbihii Koonfur Afrika, mar walba waxaa la dhigaa isbitaal waana mid aan aad uga murugeysannahay, waxaana u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray isbahaysiga dimuqraadiyadda Koofur Afrika oo ah xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ah.

Madaxweynihii hor ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela ayaa xilka dalkaas la wareegay sannadkii 1994-kii markaasoo dalkaas uu ka xoroobay gumeysi midan kala sooc ah, isagoo xilka ka dagay aakhirkii sagaashameedyadii, wuxuuna muddo dheer u xirnaa inuu ahaa dhaqdhaqaaqe xorriyad-doon ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya