4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2013
Xildhibaan ku eedeeyay ciidamada Kenya ee AMISOM inay la safteen mid ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo

Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) oo ka mid ah wafdiga dowladda Soomaaliya ee Kismaayo ku sugan ayaa ku eedeeyay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM inay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamaya Kismaayo.

Xildhibaan Goodir oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee AMISOM in isbitaalladooda ay ku daweynayaan dhaawacyadii xoogagga Raaskambooni, iyagoo diiday inay gumad caafimaad u fidiyaan dhinicii kale.

“Ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan waxaan ku arki jirnay in markii ay meel dhibaato ka dhacdo in dhaawacyada ay si siman ugu daweyn jireen isbitaalladooda, balse ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan waxay kaalmo u fidiyeen xoogagga Raaskambooni, kuwii kalena way diideen xitaa inay u sameeyaan gurmad caafimaad,” ayuu yiri xildhibaan Goodir oo sheegay in fikirkan ay isla qabaan dhamaan xubnaha dowladda ee ku sugan Kismaayo.

Mudanuhu wuxuu sheegay in xubnaha dowladda ee kaga sugan Kismaayo ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha, kaddib markii dagaal xooggan uu ka dhacay shalay magaalada Kismaayo.

Su’aal ahayd waxa uu ku xaqiijinayo eedeyntan ayaa wuxuu kaga jawaabay inay cabasho kasoo gaartay odayaasha deegaanka oo sheegay inay guryaha ku hayaan dhaawacyadii ka dhashay dagaalka qaarkood, waxaana si toos ah ula hadalnay buu yiri taliyaha haysta ciidamada Kenya ee AMISOM, wuxuuna noo sheegay inaysan mari karin waddada si ay dhaawacyadaas u keenaan isbitaalladooda.

“Dhaawacyadii Raaskambooni waxaa lagu qaadayaa qaarkood diyaarado, kuwii kalena guryaha ayay dhibaatooyin ku haystaa, middaasna waxaan u aragnay inaysan ciidamada Kenya dhexdhexaad ka ahayn dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo,” ayuu xildhibaan Goodir hadalkiisa ku daray.

Xildhibaankan ayaa sheegay sababta uu arrintan uga hadlay ay tahay inay iyagu mas’uul ka yihiin shacabka Soomaaliyeed ayna ku hadlayan afkooda, ayna doonayaan in la ogaado habka ay u shaqeynayaan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Eedeyntan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uu u jeediyo ciidamada Kenyan ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afirka ee ka socda Soomaaliya.

Ma jirto wax jawaab ah oo weli kasoo baxday dhinaca taliska AMISOM, balse hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii hore Addis Ababa ka sheegay in ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM ay u dhaqmeen si ka baxsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya